Toogasho Ka Dhacday Dhismaha Baarlamaanka iiraan iyo Macbadka Al-khumeyni oo la Qarxiyay.

Wednesday June 07, 2017 - 09:16:13 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Toogasho Ka Dhacday Dhismaha Baarlamaanka iiraan iyo Macbadka Al-khumeyni oo la Qarxiyay.

    Warbaahinta Maxalliga Wadanka iiraan ayaa sheegtay in hal qof uu ku dhintay 7 kalane ay ku dhaawacmeen weerar hubeysan oo lagu qaaday dhismaha xarunta Baarlamaanka ee magaalada Tahran.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbaahinta Maxalliga Wadanka iiraan ayaa sheegtay in hal qof uu ku dhintay 7 kalane ay ku dhaawacmeen weerar hubeysan oo lagu qaaday dhismaha xarunta Baarlamaanka ee magaalada Tahran.


Qofka dhintay ayaa kamid ahaa ciidamada Booliska ee ilaalada ka hayay xarunta Baarlamaanka wadanka iiraan, warkan oo ah mid hordhac ah waxaa lagasoo xiganayaa warbaahinta afka xukuumadda ku hadasha.

Toogasho ayaa lasoo sheegayaa in ay ka dhacday xarunta dhismaha baarlamaanka oo ah goob ammaankeeda si aad ah loo adkeeyo.

Dhinaca kale qarax weyn ayaa laga maqlay Macbadka Alkhumeyni oo kuyaal Koonfurta wadanka iiraan, Afhayeen uhadlay xukuumadda Shiicada iiraan ayaa xaqiijiyay in weerar xooggan lagu qaaday Qabri ay ku aasanyihiin hoggaamiyaal shiico ah balse Macbad loo ekaysiiyay.



Ilo wareedyo ayaa sheegay in sedax dagaalyahan oo naftood hurayaal ah ay weerareen macbadka kadibna waxaa lamaqlay qaraxyo iyo rasaas xooggan oo lays dhaafsanayo.

Maamulka iiraan ayaa si toos ah ugu lug leh dagaallada ka socda wadamo ay kamid yihiin Ciraaq, Suuriya iyo Yemen.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items