Sawirro: Tartanki Qur'aan Aqriska Ee Sh/hoose oo Lasoo Gabagabeeyay.

Saturday June 10, 2017 - 12:18:48 in Wararka by
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Tartanki Qur'aan Aqriska Ee Sh/hoose oo Lasoo Gabagabeeyay.

    Maamulka islaamiga ah ee Sh/hoose ayaa maanta oo jimco ahayd soo gabagabeeyay tartanki Qur'aan aqriska ee u dhaxeeyay degmooyinka gobolka, waxaana kasoo baxay sadax degmo oo gobolka ku meteli doona tartanka guud ee wilaayaadka islaamiga ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka islaamiga ah ee Sh/hoose ayaa maanta oo jimco ahayd soo gabagabeeyay tartanki Qur'aan aqriska ee u dhaxeeyay degmooyinka gobolka, waxaana kasoo baxay sadax degmo oo gobolka ku meteli doona tartanka guud ee wilaayaadka islaamiga ah.


Degmooyinkan ayaa waxay ku baratamayeen 30-ka jus, 15-ka jus iyo 10-ka jus. Haddaba waxaa kaalinta kowaad ee 30-ka jusku guuleystay ardayga lagu magacaabo C/risaaq C/llhi Cusmaan oo u tartamayay degmada Baraawe. Sidoo kale kaalinta kowaad ee 15-ka jus waxaa galay Zeyn Maxamad Yarow oo u tartamayay degmada Afgooye, halka kaalinta kowaad ee 10-ka jus uu galay Maxamad Xaaji Muqtaar oo u matalayay degmada Qoryooley.


Ardaydan ayaa waxaa la siiyay abaal marino qaali ah oo isugu jirtay Kitaab Qur’aan, lacago iyo hadiyado kale. Si lamid ah waxaa la abaal mariyay ardayda kale ee aan kaalimaha galin iyadoo munaasabadda ay kasoo qeyb galeen culimo, indheer garad iyo boqolaal dad weyne ah.







Related Items