Faah Faahin: Al Shabaab oo Difaacatay Gacan Ku Heynta Deegaano Katirsan Sh/Hoose Kadib Duullaan Ay Qaadeen Ciidamo Mareykan iyo AMISOM Ah.

Saturday June 10, 2017 - 13:35:30 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 2.7/5 Stars) Total Votes: 3
  • 2 2
  • Share via Social Media

    Faah Faahin: Al Shabaab oo Difaacatay Gacan Ku Heynta Deegaano Katirsan Sh/Hoose Kadib Duullaan Ay Qaadeen Ciidamo Mareykan iyo AMISOM Ah.

    Kadib dagaallo culus oo maanta barqadii ka dhacay duleedka degmada Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa khasaara xooggan lagu gaarsiiyay ciidamada shisheeyaha AMISOM oo ay kaabayaan ciidamo Mareykan ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib dagaallo culus oo maanta barqadii ka dhacay duleedka degmada Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa khasaara xooggan lagu gaarsiiyay ciidamada shisheeyaha AMISOM oo ay kaabayaan ciidamo Mareykan ah.

Wararka ka imaanaya Sh/Hoose ayaa xaqiijinaya in ciidamo aad u hubeysan oo katirsan xarakada Al Shabaab ay weeraro xooggan kala hortageen ciidamo katirsan AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda xilli ay isku dayayeen in ay gudaha ugalaan degmada Janaale.

Wariye ku sugan Sh/Hoose ayaa SomaliMeMo khadka Taleefanka ugu sheegay in dagaal culus oo ay barbar socdeen qaraxyo ciidamada AMISOM looga gubay gaari Gaashaaman waxaana jira dhimasho iyo dhaawac ah.


Dagaal saacad socday kadib ayay ciidamada Xarakada Al Shabaab usuurta gashay in ay iska caabiyaan cadawga waxayna si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta tuula Buufoow oo hoos tagta magaalada Marka.

Dhanka degmada Afgooye ciidamo Mareykan ah oo gelbinayay cutubyo katirsan AMISOM ayaa saaka weerar ku qaaday deegaanka Bariire waxaana halkaasi ku qabsaday iska hor’imaadyo culus oo ay barbar socdeen qaraxyo.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidanka huwanta ah ay gudaha ugaleen Bariire balse laba gaari ayaa laga gubay maleeshiyada Baangaraaf loo yaqaan oo Mareykanku tababaray, goob joogayaal ayaa xaqiijiyay in maanta 2:00 duhurnimo ay ciidamada huwanta ah isagasoo baxeen deegaanka Bariire waxaana dib ula wareegay xoogaga Al Shabaab.

Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in ciidamada AMISOM ay dib ugu laabteen deegaanka Shalaambood oo markii hore ay kasoo duullaan tageen halka ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay shisheeyaha udaba maryeeyeen deegaanka Buufoow.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items