Taliyaha Sirdoonka Gobolka Sh/dhexe oo Ka Badbaaday Qarax Lagula Beegsaday Magaalada Jowhar.

Sunday June 11, 2017 - 08:56:53 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Taliyaha Sirdoonka Gobolka Sh/dhexe oo Ka Badbaaday Qarax Lagula Beegsaday Magaalada Jowhar.

    Weeraro qaraxyo ah oo khasaara badan dhaliyay ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Jowhar iyo duleedkeeda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weeraro qaraxyo ah oo khasaara badan dhaliyay ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Jowhar iyo duleedkeeda.


Xalay Fiidkii ayaa qarax xooggan lala helay guri uu ku deganaa Taliyaha sirdoonka DF-ka ugu magacaaban ee gobolka Sh/dhexe.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ay maqleen jugta qarax xooggan balse waxaa la sheegay in si dirqi ah uu ku badbaaday sarkaalkii qaraxa lala rabay.
Saraakiil katirsan Booliska degmada Jowhar ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in qaraxa ka dhacay guri uu deganaa taliyaha sirdoonka uusan geysan wax khasaara dhimasho ah.


dhinaca kale qarax shalay ka dhacay duleedka Jowhar ayaa warar dheeraad ah laga helayaa, qaraxa ayaa ka dhacay halka loo yaqaano Shamiitada oo ah dhanka Bari ee duleedka degmada Jowhar, qaraxa wuxuu ka  dhacay goob isbaaro u taalay maleeshiyaatka dowlada Federaalka halkaas oo lacago baad ah looga qaado gaadiidka dadweynaha.

Xilliga qaraxa uu dhacayay oo aheed maalin cad ayay maleeshiyaatka DF-ka raashin  ku cunayeen goobta isbaarada ah sidoo kale waxay isticmaalayeen maandooriyaha khaatka ,weerarka ayaa  sababay khasaara dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray maleeshiyaatkii goobta isbaarada ku sugnaay.

Tan iyo Bilashii Bisha Barakeysan ee Ramadaan waxaa sii kordhayay qaraxyada ka dhacaya degmooyin katirsan Shabeelaha dhexe sida degmooyinka Mahadaay, Jowhar iyo Balcad.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
somalimemo@gmail.com

Related Items