Dilal Qorshaysan Oo Markale Ka Dhacay Xaafado Katirsan Muqdisho.

Sunday June 11, 2017 - 08:55:53 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Dilal Qorshaysan Oo Markale Ka Dhacay Xaafado Katirsan Muqdisho.

    Wararka ka imaanaya degmooyin katirsan gobolka Banaadir ayaa sheegaya in dilal qorshaysan saacadihii lasoo dhaafay ay ka dhaceen xilli ammaanku faraha kasii baxayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

dilalkan ayaa imaanaya xilli caasimadda ay ka socdaan howlgallo
Wararka ka imaanaya degmooyin katirsan gobolka Banaadir ayaa sheegaya in dilal qorshaysan saacadihii lasoo dhaafay ay ka dhaceen xilli ammaanku faraha kasii baxayo.

Rag Bastoolada ku hubeysan ayaa gudaha degmada Howlwadaag ku dilay mid kamida odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay shirarkii lagusoo xulayay xildhibaanada Baarlamaanka DF-ka.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in ladilay Maxamuud Barroow oo magaalada Baydhabo uga qeyb galay soo xulista xildhibaanada Baarlamaanka ee ka yimid dhanka maamulka ‘Koonfur galbeed isku magacaabay.

Dhinaca kale xoogag hubeysan ayaa xaafadda Suuq Bacaad ee degmada Yaaqshiid ku dilay askari katirsanaa ciidamada booliska dowladda Federaalka, goob joogayaal waxay sheegeen in raggii dilka geystay ay si nabad gelya ah goobta uga baxsadeen.



Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
somalimemo@gmail.com

Related Items