Wiil Uu Dhalay Mucamar Al Qadaafi oo Lagasii Daayay Xabsi Kuyaal Wadanka Liibiya.

Sunday June 11, 2017 - 08:52:53 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wiil Uu Dhalay Mucamar Al Qadaafi oo Lagasii Daayay Xabsi Kuyaal Wadanka Liibiya.

    Maleeshiyaad hubeysan oo ku sugan galbeedka wadanka Liibiya ayaa ku dhawaaqay in ay sii daayeen mid kamida wiilasha Hoggaamiyihii hore ee wadankaasi Mucamar Al-Qadaafi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maleeshiyaad hubeysan oo ku sugan galbeedka wadanka Liibiya ayaa ku dhawaaqay in ay sii daayeen mid kamida wiilasha Hoggaamiyihii hore ee wadankaasi Mucamar Al-Qadaafi.

Wararka ka imaanaya magaalada Zantaan ayaa sheegaya in Katiibo isku magacaawday Abuu Bakar Sidiiq ay xuriyaddiisa dib ugu celisay Seyful Islaam Qadaafi oo kamid ahaa mas’uuliyiintii dowladdii Liibiya islamarkaana ku lug lahaaday xasuuq ka dhan ah shacabka Liibiya.

Saraakiil ku sugan magaalada Zantaan waxay sheegeen in Seyful islaam uu ka baxay magaalada waxaana loo malaynayaa in uu aaday Bariga Liibiya oo uu ka taliyo dagaal Ooge Khaliifa Xiftar oo ay isku fikir ahaayeen Mucamar Al-qadaafi.


Sanaddii 2011 ayaa gacanta lagu dhigay wiilka Qadaafi balse sanaddii 2015 ayay Maxkamad melleteri ku xukuntay daldalaad wixii xilligaas ka dambeeyay xaaladdiisa wax badan lagama ogeyn balse warka sheegaya sii daysmadiisa ayaa ka caraysiisay kumanaan liibiyaan ah oo uu ehelkooda xasuuqa xiligii uu la shaqeynayay aabihii Mucamar Alqadaafi.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items