Taliban oo Sedax Askari Mareykan Ah Ku Dishay Weerar Dhacay Bariga Afghanistan.

Sunday June 11, 2017 - 13:40:11 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 2.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliban oo Sedax Askari Mareykan Ah Ku Dishay Weerar Dhacay Bariga Afghanistan.

    Ugu yaraan Sedax askari oo katirsan ciidamada Mareykanka ayaa ladilay kadib toogasho ka dhacday bariga wadanka Afghanistan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada USA ayaa Afghanistan lagu jabiyay
Ugu yaraan Sedax askari oo katirsan ciidamada Mareykanka ayaa ladilay kadib toogasho ka dhacday bariga wadanka Afghanistan.

Wararka ka imaanaya gobolka Konaar ee Bariga wadanka dhaca ayaa sheegaya in dagaalyahan hubeysan oo soo xirtay dareeska ciidamada xukuumadda Afghanistan uu toogtay sedax askari Mareykan ah.

Mas’uul u hadlay xukuumadda Dabadhilifka Afghanistan ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in Nin Askari ugu diiwaan gashanaa wasaaradda G/dhigga uu si lama filaan ah ulaayay saraakiil tababarayaal Mareykan ah.


Dhinaca kale Xarakada Taliban ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka, bayaan kasoo baxay imaararada islaamiga ah oo uu ku saxiixnaa sheikh Daabiixullaahi Mujaahid ayaa lagu sheegay in mid kamida ciidamadooda qarsoon uu weerarka fuliyay.

"Afar katirsan ciidanka Mareykanka ayaa lagu dilay weerar uu fuliyay mujaahid safka cadawga ka dhaxdusay kadibna isagoo shahiid ah ayaa ladilay” sidaas waxaa yiri Afhayeenka Taliban.

Wasaaradda G/dhigga Mareykanka ayaa iyana xaqiijisay in sedax sarkaal looga dilay Bariga Afghanistan waxayna saraakiisha xukuumadda dabadhilifka Kaabul ka dalbatay in ay baaritaano dheeri ah ku sameeyaan toogashada askarta.

Afghanistan wax ka badan 15 sanadood oo xiriir ah waxaa ka socda dagaallo culus oo dagaalyahanada Xarakada islaamiga Taliban ay kula jiraan soo duulayaasha NATO ee Mareykanku hoggaaminayo.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items