Warbixin: Tooratoorow iyo Janaale Balaayo Kama Jirto, Nabad+Ammaan

Sunday June 11, 2017 - 08:57:53 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbixin: Tooratoorow iyo Janaale Balaayo Kama Jirto, Nabad+Ammaan

    24-kii saacadood ee lasoo dhaafay qaar kamid ah warbaahinta ku hadasha Afka Soomaaliga oo fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho ayaa weerar dhanka Afka ah ku qaaday wilaayada Islaamiga Sh/hoose iyagoo umuuqda in ay qeyb ka yihiin duullaanka Mareykanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

24-kii saacadood ee lasoo dhaafay qaar kamid ah warbaahinta ku hadasha Afka Soomaaliga oo fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho ayaa weerar dhanka Afka ah ku qaaday wilaayada Islaamiga Sh/hoose iyagoo umuuqda in ay qeyb ka yihiin duullaanka Mareykanka iyo xulufadiisa AMISOM.


Dhowr idaacadood oo ka howlgala magaalada caasimadda ah ayaa shalay baahinayay warar dhammaantood ahaa been aan sal iyo raad laheyn oo ku aadan in ciidamo huwan ah ay qabsadeen magaalooyin sharciga Islaamka lagu maamulo oo Sh/hoose katirsan.

Arrinta layaabka leh ayaa ah in kuwa sheeganaya in ay yihiin  warbaahin madax banaan ay ku adkeysanayaan been aan loo meel dayin balse ma ahan shaqo ay wanaag ku gaarayaan kaliya waxay sii luminayaan dhageystayaal ama akhristayaal.



Mid kamida idaacadaha Muqdisho ayaa saaka ciwaanka hore ee warkeeda ka dhigatay "Xaaladda degmada Janaale oo degan iyo maamulka dowladda oo ammaanka adkeeyayā€¯!.

Janaale ku dhowaad 2 sanadood waxaa maamulaysa wilaayada Islaamiga ah, AMISOM iyo Maleeshiyaadka DF-ka cagta ma saarin marka sidee maamul beesha caalamka taabacsan uga jirayaa?.

Deegaanada Mubaarak, Daarusalaam, Awdheegle iyo Farsooleey dhammaantood waxaa gacanta ku haaya maamulka islaamiga Sh/Hoose haba yaraatee halkaas shalay kama dhicin wax dagaal ah sidaas oo ay tahay warbaahinta Soomaalida badankeed waxay ku hadaaqaysay in AMISOM iyo dowladda Federaalka qabsadeen.

Sidoo kale degmada Tooratoorow ee galbeedka Afgooye dhacda xaalad deganaan ah ayaa kajirta mana jiraan wax duqeymo oo ka dhacay degmadaas, wariye Faysal Soomaali oo ku sugan Sh/Hoose ayaa SomaliMeMo khadka Taleefanka ugu xaqiijiyay in haba yaraatee wax duqeyn ah aysan ka dhicin Shabeelaha Hoose.

Waa olole qeyb ka ah dagaalka dhan walba ah ee Farmaajo iyo kooxdiisa qurba joogta ah iclaamiyeen waxay doonayaan in ay niyadda ku dhistaan warar been ah, balse xaqiiqda ayaan qarsoomeyn dadka Soomaalidana ma ahan kuwa dhegaha xiran oo waxay si fudud ku heli karnaa warka xaqiiqdiisa.

Kulan horay u dhaxmaray Maamulka Farmaajo iyo agaasimayaasha idaacadaha Muqdisho ayaa looga hadlay sidii warbaahintu uga qeyb qaadan laheyd dagaalka ka dhanka ah waxa loogu yeero Argagaxisada.

Wararka qaar ayaa sheegaya in wasaaradda Warfaafinta DF-ka ay lacago dheeri ah uqoondaysay idaacad walba oo sare u qaaddo faafinta wararka beenta ah ee ka dhanka ah Xarakada Al Shabaab.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
somalimemo@gmail.com

Related Items