Sawirro: Fadlan Caawi Qofkaan Walaalkaaga ah Ee ladhiban Xanuunka Burada.

Wednesday June 21, 2017 - 14:07:07 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Fadlan Caawi Qofkaan Walaalkaaga ah Ee ladhiban Xanuunka Burada.

    Mire Casir waa aabe Soomaaliyeed oo dhibane ah wuxuu sanado badan la xanuunsanayahay dhaawac kasoo gaaray dhanka Afka xilli uu kufay hadda wuxuu ku noolyahay degmada Galhareeri ee gobalka Galgaduud bartamaha dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mire Casir waa aabe Soomaaliyeed oo dhibane ah wuxuu sanado badan la xanuunsanayahay dhaawac kasoo gaaray dhanka Afka xilli uu kufay hadda wuxuu ku noolyahay degmada Galhareeri ee gobalka Galgaduud bartamaha dalka Soomaaliya.


Aabahan oo xaaladiisu ay tahay mid aad u liidata waxaa dhaawaca afka kasoo gaaray sanado ka hor uu isku badalay nabar weyn oo Buro u eg taasi xanuun adag ku heysa dhibanahan kamidka ah dadka danyarta ah ee u baahan in xaaladdiisa caafimaad wax laga qabto.

Xanuunkan ayaa sabab u noqday in gabi ahaan uu ka go’o ama uu cuni waayo cunto kala duwan sida Hilibka,Khudaarta,Cambuulada,Bariiska,Baastada iyo waxii la mid ah sababtoo ah malahan ilka uu raashinkaasi ku cuno oo Burada ayaa qarisay  ilkihiisa kaliya wuxuu isticmaalaa Cabitaano sida caanaha badanaa wuxuu ku noolyahay mashaariyo ,Sidoo kale aabahaan ma awooda in uu cadeysado taas oo keentay in bulshada inteeda kale uu go’doon ka noqdo!.



Aaba Mire oo ah dhibane hadal badan aanan awoodin waxa uu sheegay in wax ka badan Toban sanadood kunool yahay Mushaari,Caano iyo Biyo xaaladiisuna maalinba maalinta ka dambeysa waa ay kasii daraysaa.

Nabarka idiin muuqda ee kuyaal Ninkan odayga ah kama hoydo marka lagaaro xilliga qaboobaha.

Dhibane Mire Casir oo dhowr jeer la geeyay isbitaalada magaalada Muqdisho waxay dhaqaatiirtu caddeeyeen in xaaladiisa aan waxba looga qaba Karin dalka gudihiina uuna ubaahanyahay in qalliin dibada ah uu helo ,marba marka ka dambeyso Bararka waa sii weynaanayaa waxaana laga cabsi qabaa in gabi ahaan afkiisa uu xirmo.

Dhibane Dhibane Mire Casir wuxuu ka codsanayaa dadka Muslimiinta ee sama falka jecel kuna nool dalka gudihiisa iyo dibaddiisa in ay lasoo gaaraan wax walbo oo gurmad ah oo xaaladiisa wax looga qaban karo Allaah ha caafiyee.

Hadaba dhammaan dadka muslimiinta ah gaar ahaan Soomaalida Alle wax siiyay waxaa laga codsanayaa in ay kaalmeeyeen walaalka muslimka ah ee dhibaatadu heyso, waxaa lagu jiraa bil barakaysan oo sadaqadu ajar badan tahay.

Halkan ka dhageyso Dhibane Mire Casir oo isagoo hadalku dhibayo baaq udiray walaalihiisa muslimiinta

Wixii kaalma ah waxaad kusoo Hagaajin kartaan

Samafale Ridwaan Xassan Cali oo laga heli karo Taleefanka +252615333251 EVC+Xawaalad
Haddii aad gudaha joogtaan waa sidan 0615333251 ama Emailka  ridwaanf12@gmail.com


Hoos Ka Daawo Sawirada Dhibane Mire Casir







Related Items