Ururka IGAD oo Ergay Cusub Usoo Magacaabay Dalka Soomaaliya.

Tuesday June 13, 2017 - 16:40:33 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururka IGAD oo Ergay Cusub Usoo Magacaabay Dalka Soomaaliya.

    Shirkii Madaxda Ururka IGAD ay ku yeesheen magaalada Addis Ababa ee wadanka Itoobiya ayaa lagu gorfeeyay arrimaha dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkii Madaxda Ururka IGAD ay ku yeesheen magaalada Addis Ababa ee wadanka Itoobiya ayaa lagu gorfeeyay arrimaha dalka Soomaaliya.

Kulanka oo uu shir guddoominayay R/wasaaraha Itoobiya uuna goob joog ka ahaa Madaxweynaha Uganda ayaa diiradda lagu saaray xaaladda ammaanka Soomaaliya gaar ahaan wixii ka dambeeyay sanadda 2018 oo ciidamada shisheeyaha AMISOM ay bilaabayaan ka bixitaan aan dhameystirneyn.

Hoggaamiyaashii kulanka ka qeyb galay ayaa muujiyay walaacooda ku aaddan in aan laheli doonin ciidamo ay leedahay Dowladda Federaalka oo buuxiya magaalooyinka ay ka bixi doonaan ciidamada AMISOM.


Sidoo kale kulanka Addis Ababa ayaa lagu magacaabay Ergayga Cusub ee Ururka IGAD uqaabilsan arrimaha dalka Soomaaliya, Nin lagu magacaabo Max’med Cali Guyo ayaa noqday Ergayga gaarka ah ee IGAD wakiilka uga ah arrimaha Soomaaliya wuxuuna bedelay Max’med Cabdi Afeey oo noqday madaxa hay’adda UNHCR ee dalka Soomaaliya.

Ururka IGAD ayaa badanaa soo saara go’aano gumeysi lagu gelinayo shacabka Soomaaliyeed, kumanaan katirsan dowladaha Ururkan ku midoobay ayaa qeyb ka ah duullaanka Soomaaliya lagusoo qaaday.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
somalimemo@gmail.com

Related Items