Sawirro: Tobaneeyo Qof Oo Dhimasho iyo Dhaawac Ku Noqday Dab Ka Kacay Guri Kuyaal Magaalada London.

Wednesday June 14, 2017 - 21:10:10 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Tobaneeyo Qof Oo Dhimasho iyo Dhaawac Ku Noqday Dab Ka Kacay Guri Kuyaal Magaalada London.

    Dowladda Hoose ee magaalada Lodon wadanka Ingiriiska ayaa faah faahin ka bixisay dab ka kacay dhismo dowladeed oo kuyaal magaalada caasimadda ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Hoose ee magaalada Lodon wadanka Ingiriiska ayaa faah faahin ka bixisay dab ka kacay dhismo dowladeed oo kuyaal magaalada caasimadda ah.

Taliyaha booliska dowladda ingiriiska ayaa sheegay in dab ka kacay burji 27 dabaq ka kooban ay ku dhinteen ugu yaraan 6 qof halka 64 kale ay si xun ugu dhaawacmeen wuxuuna saadaaliyay in khasaaraha dhimashada uu sii kordhi karo saacadaha soo socda.

Kooxaha dab damiska ayaa ku guuldarreystay in si dhaqsi ah ay udamiyaan dabka taasi oo keentay in gubashadu ay ku faafto qolal ay xilligaas dad deganaayeen, dabka ayaa ka dhashay koronto si khalad ah uga kacday mid kamida qolalka dhismaha.


Duqa Magaalada London ayaa sheegay in dabka oo bilaawday saacado ka hor uu saameeyay dhowr xaafadood oo dhaca galbeedka magaalada London, in kabadan 200 oo ah gaadiidka dab damiska ayaa ka qeyb qaatay howlgal ballaaran oo lagula tacaalayay xaaladda gubashada.

مصرع 6 وإصابة 50 إثر حريق التهم برجًا سكنيًا في لندن

DD
DD
D
DDD

Guddiga gaadiidka gurmadka Ambalaaska magaalada London ayaa xaqiijiyay in 64 qof
oo ku dhaawacantay dabka, 20 kamid ah xaaladooda caafimaad ah tahay mid aad u liidata waxaana lafilayaa in ay u dhintaan waxyeellada soo gaartay.

Saadiq Khaan oo ah duqa magaalada London ayaa sheegay in guriga 27 dabaq ka kooban ee gubtay la dhisay todobaatameeyadii qarnigii hore balse sanad ka hor dayactir lagu sameeyay.

Dad farabadan ayaa lala’yahay waxaana loo malaynayaa in ay ku hoos xanibanyihiin burburka hoostiisa, guriga gubtay wuxuu kamid yahay Burjiyada ugu waaweyn magaalada London oo caasimad u ah dalka ingiriiska.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items