James Mattis "Talibaan Horumar Xowlli ku socda ayay Ka Waddaa Wadanka Afghanistan".

Wednesday June 14, 2017 - 16:55:41 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    James Mattis "Talibaan Horumar Xowlli ku socda ayay Ka Waddaa Wadanka Afghanistan".

    Wasiirka Gaashaandhigga ee Dowladda Mareykanka James Mattis ayaa sheegay in Mujaahidiinta Daalibaan ay muuqdaan kuwo isku sii fidinaya dalka Afghanistan, islamarkaana soo hoynaya guul hor leh, isagoona tilmaamay in dhankooda ay u muuqdaan kuwo aan wa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Gaashaandhigga ee Dowladda Mareykanka James Mattis ayaa sheegay in Mujaahidiinta Daalibaan ay muuqdaan kuwo isku sii fidinaya dalka Afghanistan, islamarkaana soo hoynaya guul hor leh, isagoona tilmaamay in dhankooda ay u muuqdaan kuwo aan wax guul ah ka gaareyn dalka Afghanistan.



James Mattis oo ka hor hadlayay Guddiga adeegga Meliteriga ee Golaha Odayaasha ee dalka Mareykanka ayaa yiri " Daalibaan waxay sannadkii lasoo dhaafay lasoo dhaafay u aheyd sannad wanaagsan, waxay sanadkanna doonayaan inuu noqdo sidii kii hore oo kale", wuxuuna hadalkiisa sii raaciyay " Wakhtigan la joogo, wuxuu Cadowgu u muuqdaa mid soo taqadumaya", isagoo ula jeeda Xarakada islaamiga ah ee Daalibaan.



Wasiirka Gaashaandhigga ee Mareykanka ayaa tilmaamay in Ciidamada Isbaheysiga NATO iyo Maleeshiyaadka Dowladda Afghanistan in sanadihii u dambeeyay aysan wax horumar ah ka gaarin dagaalka ay kula jiraan Mujaahidiinta Imaarada islaamiga ah ee Afghanistan, wuxuuna markale ku celiyay inay lagama maar maan tahay in Mareykanka iyo xulafadiisa inay dib u eegis ku sameeyaan Istaraatiijiyadda dagaalka Wadanka Afghanistan.

James Mattis ayaa sheegay in bisha July ee soo socota inuu markale Golaha Senate-ka ee dalka Mareykanka inuu u gudbin doono Istaraatiijiyad ku aadan dagaalka ka socda dalka Afghanistan, wuxuuna xusay inuu qorsheynayo in Seddax kun illaa iyo Shan Kun oo Ciidamo Mareykan ah oo dheeraad ah in loo diro dalkaasi.

Dagaalka ka socda dalka Afghanistan ayaa noqonaya kii ugu wakhtiga dheeraa ee ay ku lug yeelato Dowladda Mareykanka, waxaana tan iyo Sannadkii 2001 wajaheysaa dagaal jabhadeyn ah, kaas oo sababay dhimashada Kumanaan Askari oo Mareykan ah.

Related Items