Sarkaal Jabuutiyaan Ah oo Ku Dhintay Qarax Ka Dhacay Magaalada Buula Burde.

Wednesday June 14, 2017 - 17:46:57 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal Jabuutiyaan Ah oo Ku Dhintay Qarax Ka Dhacay Magaalada Buula Burde.

    Ugu yaraan sarkaal katirsan ciidamada Jabuuti ayaa dhintay sedax kalane waa ay dhaawacmeen kadib qarax xooggan oo lagula beegsaday duleedka magaalada Buula Burde ee gobolka Hiiraan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawir Ciidamo Jabuutiyaan ah oo ku sugan Hiiraan
Ugu yaraan sarkaal katirsan ciidamada Jabuuti ayaa dhintay sedax kalane waa ay dhaawacmeen kadib qarax xooggan oo lagula beegsaday duleedka magaalada Buula Burde ee gobolka Hiiraan.

Wararka ka imaanaya Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamo isku dayay in ay kala furfuraan Miino lagu aasay garoonka diyaaradaha Buula Burde uu qarax xooggan haleelay.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in sarkaal sare oo katirsan guutada Miina Baarista ciidanka Jabuuti uu ku dhintay qaraxa halka sedax kale ay ku dhaawacmeen.

Diyaarad nuuca qumaatiga ukacda ah ayaa soo caga dhigatay garoonka magaalada Buula Burte waxaana lagu daabulay Meydka sarkaalka dhintay iyo askarta dhaawacantay, jugta qaraxa ayaa laga maqlay inta badan xaafadaha ay ka koobantahay magaalada Buula Burde.


Qaraxan ayaa imaanaya xilli weeraro safballaaran ah ay xalay ka dhaceen magaalooyin katirsan gobolka Hiiraan halkaasi oo ay saldhigyo ku leeyihiin ciidamo katirsan soo duulayaasha AMISOM iyo Itoobiya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
somalimemo@gmail.com

Related Items