Dhageyso: Kalimad Cusub "Guushu Waxay Kullamaanantahay Sabarka" Waxaa Jeedinaya Sheekh Mahad Warsame.

Thursday June 15, 2017 - 15:11:46 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Dhageyso: Kalimad Cusub "Guushu Waxay Kullamaanantahay Sabarka" Waxaa Jeedinaya Sheekh Mahad Warsame.

    Idaacadda Islaamiga Andalus ee ku hadasha Afka Xarakada Al Shabaab ayaa baahisay kalimad uu Jeediyay Hoggaamiye sare oo katirsan Xarakada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Idaacadda Islaamiga Andalus ee ku hadasha Afka Xarakada Al Shabaab ayaa baahisay kalimad uu Jeediyay Hoggaamiye sare oo katirsan Xarakada.



Sheykh Mahad Warsame oo ku magacdheer "Abuu CabdiRaxmaan” kana mid ah hogaanka sare ee Xarakada  Al-Shabaab ayaa jeediyey Kalimad qiima-badan oo cinwaan looga dhigay "Guushu waxay ku lamaanan tahay Sabarka” taas oo uu kaga hadlayo xaaladda guud ee wadanka iyo wejiga cusub ee uu galay duulaanka gardarra  ah ee lagu soo qaaday dalkan iyo dadkiisa.

Kalimadan oo ah mid kooban oo nuxurleh, lana dhageysan karo muddo 19 daqiiqo ah ayuu Sheykh Abuu CabdiRaxmaan diiradda ku saarayaa duulaanka qarsoon iyo midka daahsoon ee dowladaha saliibiga ah ee Mareykanka iyo Ingiriiska ku hayaan dalka Soomaaliya, Isagoona si gaar ah isdul-taag ugu sameeyey wejiga cusub ee uu galay duulaankooda iyo tacadiyada sii kordhaya ee reer Muqdisho kaga imaanaya shisheeyaha iyo xalka ugu manaasbisan ee looga gudbi karo musiibooyinkaasi.



Wuxuu sidoo kale tilmaamay in Mareykanka uu mas’uul ka yahay dhibaatada maanta lagu hayo dadka Soomaaliyeed ee Muslimka ah, uuna xabsiyo qarsoodi ah iyo saldhigyo military ku sameystay gudaha dalka iyo meelaha ku xeeranba, Wuxuuna tusaale ahaan u soo qaatay Xerada Xalane oo uu sheegay in ay ku yaallaan Xabsiyo qarsoodi ah oo lagu tacdiibiyo dadka astaanta diintu ka muuqato.

Boobka Kheyraadka Dalka.

Sidaas si la mid ah Wuxuu Sheykh Abuu CabdiRaxmaan tilmaamay in dalka loo gacangeliyey shirkado shisheeye oo reergalbeedku leeyihiin kuwaas oo guranaya Kheyraadka dalka. "Laga soo bilaabo heshiiskii ay ku magacaabeen ‘NEW DEAL’ ee lagu gaaray magaalada Brussels waxaa dalka loo baneeyey shirkado gaalla ah si ay hantidii Umadda Soomaaliyeed u dhacaan iyadoo cid la xisaabtameysa jirin. Shirkado badan oo reergalbeed leeyihiin ayaa kumanaan KM dalka laga siiyey si ay u qotaan baaritaanana uga sameystaan kheyraadka dhex ceegaaga” ayuu yiri Sheykh Abuu CabdiRaxmaan.

Taasi badalkeedna, wuxuu sheegay in dhanka kale dalka lagu soo daadgureynayo raashiin dhacay oo aan la quudan Karin iyo Khaad aan dheef iyo qiima midna lahayn kaas oo uu sheegay in uu dhulka la galay dhaqaalihii wadanka.

"Waxaa lagu qiyaasaa in 70 ton oo khaad ah in maalin waliba loo soo dhoofiyo Soomaaliya kaas oo qiimahiisu ka badan yahay hal milyan oo dollar taasi waxay ka dhigan tahay in Soomaaliya sanadkiiba 25,550 ton oo khaad ah la soo geliyo, laguna soo qasaariyo hanti gaareysa ku dhawaad afar boqol oo milyan oo dollar halka ay caruurtii Soomaaliyeed macluul iyo gaajo ugu dhimanayaan dhabta hooyooyinkooda” ayuu yiri sheekh Mahad.

Mar uu soo hadal qaaday wejiga cusub ee uu galay duulaanka shisheeye  ee lagu soo qaaday Soomaaliya ayuu sheegay in markii Afrikaantu ay ku fashilmeen duulaankii ay kaga jireen Soomaaliya wax ka badan 10 sano uu markale Mareykanku go’aansaday in uu dib u soo cusbooneysiiyo duulaankii foosha xumaa ee uu ku hayey Umadda Soomaaliyeed, Wuxuuna tilmaamay in uu madaxtooyada keensaday camiil cusub oo Mareykanka ah oo danihiisa u fuliya ka dib markii uu fashilmay midkii hore. "Waxaan Allaah ka rajeyneynaa in murtadkan cusubna uu mari doono wadadii uu maray kii hore” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Weerarkii Mareykanka Ee Magaalada Daaru-Shaam.

Wuxuu soo hadal qaaday weerarkii fashilmay ee bishii la soo dhaafay ciidamada Mareykanka ay ku soo qaadeen magaalada Daaru-Shaam ee Wilaayada Sh/hoose, halkaas oo uu sheegay in cashar lama ilaawaan ah loogu dhigay saliibiyiinta Mareykanka, uuna weerarkaa xambaarsanaa fariimo muhiim ah.

"Weerarkii fashilmay ee ciidamada Mareykanku ku soo qaadeen magaalada Daaru-Salaam ee Shabeelada Hoose waxay fariin cad u tahay ciidanka Mareykanka ee la damacsan yahay dib in Soomaaliya loogu gumeysto, dhanka kalena jabkii Daaru-Salaam wuxuu cadeyn u yahay bi’idnillaah nasrigii uu Allaah u yaboohay Muslimiinta” Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in habeenkaas uu ciidanka Mareykanka la kulmay rag godob laga galay oo ciil iyo carro u hayey askarta Mareykanka.

Kaalinta Ingiriiska Ee Duulaanka Soomaaliya.

Halkaas marka uu marayo ayuu hadana Sheykhu milicsaday dowrka Ingiriiska uu ku leeyahay duulaanka lagu soo qaaday dalkan Muslimka ah ee Soomaaliya.

"Hadaan waxyar milicsano duulaanka uu ingiriisku ku hayo Umadda Soomaaliyeed waxaa tusaale inoogu filan sida ay talada isaga dhaxleen Nickolas Key iyo Keating oo u taagan hogaanka dhabta ah ee dalka maamula ama waxa afka qalaad loogu yeero ‘Colonial Administrator’ Sidoo kale shirarka isdaba jooga ah ee London martigelineyso waxaa ugu dambeeyey midkii bishii shanaad lagu qabtay caasimada Ingiriiska, Waxaa qofwalba oo garaad leh isweydiin karaa maxaa farqi ah oo shirka London ee 2017-ka uu kaga duwan yahay midkii Baarliin lagu qabtay 1848-kii, kaas oo lagu qeybiyey dhulalka Muslimiinta”.

Wuxuu tilmaamay in Ingiriiska uu yahay midkii Soomaaliya shanta qeybood u kala jarjaray, Soomaali-Galbeed u gacangeliyey Itoobiya, Waqooyi-Bari u hadiyeeyey Kenyatta, Sidoo kalena Filistiin siiyey Yahuudda. Ka dibna Wuxuu Sheekhu dhowr Su’aallood hordhigay Dadka Muslimiinta, Wuxuuna yiri:

"Maxaa iska badalay taariikhda, maxaa farqi ah oo u dhexeeya gumeysigii shaley iyo midka maanta, Maxaa u dhexeeya Koofilkii shaley waranka lagu gooyey iyo, Keating-ka maanta gacalka laga dhiganaayo? Maxaa u dhexeeya murtadkii shaley Firanjiga faraqa heystay iyo, Farmaajaha maanta fuudka la cabaya? Maxaase u dhexeeya gaaladii shaley gaashaanka loo daruuray iyo, kuwa maanta gaashaan buurta laga dhiganaayo? Maxaa u dhexeeya Daraawiishtii shaley diyaaradaha lagu goobi jiray iyo Muslimiinta maanta gantaalka lagu garaacayo?”.

Waa Markii ugu horraysay ee uu Kalimad Jeediyo Sheekh Mahad Warsame oo katirsan Mas'uuliyiinta Sare ee Xarakada Al Shabaab.


Halkaan Ka Dhageyso Kalimadda Sheykh Mahad Oo Dhameystiran MP3

Source: Radio Andalus

Related Items