Faah Faahin: Al Shabaab oo Sheegatay Mas'uuliyadda Weerar Posh Club iyo Dhimashada oo Tobanaan Gaartay.

Wednesday June 14, 2017 - 21:38:24 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 4876
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 2 1
  • Share via Social Media

    Faah Faahin: Al Shabaab oo Sheegatay Mas'uuliyadda Weerar Posh Club iyo Dhimashada oo Tobanaan Gaartay.

    War rasmi ah oo kasoo baxay xarakada Al Shabaab ayay ku sheegatay Mas'uuliyadda weerar xooggan oo caawa fiidkii ka dhacay goob lagu tunto oo ku taal degmada Hodon magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War rasmi ah oo kasoo baxay xarakada Al Shabaab ayay ku sheegatay Mas'uuliyadda weerar xooggan oo caawa fiidkii ka dhacay goob lagu tunto oo ku taal degmada Hodon magaalada Muqdisho.

War laga baahiyay idaacadda Andalus ayaa lagu sheegay in weerar aad u xooganaa uu caawa fiidkii ka bilaawday magaalada Muqdisho "Halyeeyo ka tirsan guutada Istish-haadiyiinta ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa caawa fiidkii weerar inqimaasi ku qaaday Kalaab lagu tunto oo ay ku caweeyaan Ajaanibta, Saraakiisha Murtadiinta iyo shaqaalaha kooxda ridada Soomaaliya” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.


Jugta qarax weyn ayaa laga maqlay inta badan degmooyinka magaalada Muqdisho waxaana goobta qaraxu ka dhacay gaaray gaadiidka caafimaadka kuwaasi oo halkaasi ka daad gureeyay meydad iyo dhaawacyo.

Al Shabaab waxay sheegtay in weerarka lagu bilaabay gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay kadibna waxaa xigay toogasho ay fulinayeen ciidamo hubeysan "Weerarka ayaa ku bilowday camaliyad Istish-haadi ah oo uu fuliyey halyeey hogaaminayey gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, ka dibna majmuuca ka tirsan mujaahidiinta ayaa xoog ku galay dhismaha Hotelka” ayaa lasii raaciyay warka lagasii daayay idaacadda Andalus.

ilo wareedyo lagu kalsoonyahay waxay sheegayaan in ragga weerarka qaaday ay si buuxda ula wareegeen dhismaha Kalaab oo ah dabaq ka kooban dhowr Biyaano waxaana halkaasi ka dhacay toogashooyin aan illaa iyo hadda si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha ka dhashay,

goobta la weeraray ee Posh Hotel iyo goob lagu caweeyo waxaa ku kulma saraakiisha DF-ka iyo shaqaala dowladeed, sidoo kale waxaa kalaabka qoobka ciyaar kusoo bandhiga haween udhashay wadamada Kenya iyo Itoobiya iyo ajaanib kale.

Weerarkan ayaa waxba kama jiraan ka dhigaya balanqaadyo ku aaddan sugidda ammaanka magaalada Muqdisho oo maalmihii lasoo dhaafay ay ku xiiqayeen mas'uuliyiinta DF-ka.

Ciidamada loogu magac daray 'Xasilinta Caasimadda' ayaa awoodi waayay in ay ka hortagaan weerarka aadka uweyn iyo dilalka joogtada ka noqday degmooyinka gobolka Banaadir.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items