Daawo: Al-Kataa'ib Oo Baahisay Sawirada Weerarkii Af-Urur Ee Askarta Badan looga Laayay Maamulka 'Puntland'.

Friday June 16, 2017 - 17:15:43 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 14208
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 3
  • 4 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Al-Kataa'ib Oo Baahisay Sawirada Weerarkii Af-Urur Ee Askarta Badan looga Laayay Maamulka 'Puntland'.

    Mu'asasada Al-Kataa'ib, garabka warbaahineed ee Xarakada Al-Shabaab ayaa baahisay sawirada weerarkii lagu xasuuqay maleeshiyada maamulka 'Puntland' ee horaantii bishan ka dhacay saldhig ciidan oo ku yaalla deegaanka Af-Urur oo qi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mu'asasada Al-Kataa'ib, garabka warbaahineed ee Xarakada Al-Shabaab ayaa baahisay sawirada weerarkii lagu xasuuqay maleeshiyada maamulka 'Puntland' ee horaantii bishan ka dhacay saldhig ciidan oo ku yaalla deegaanka Af-Urur oo qiyaas ahaantii ku dhawaad 100 KM koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Boosaaso.



Weerarkan oo dhacay 13-kii bishan Ramadan, 1438 taariikhda Hijriga, kuna beegneyd June 8, 2017 ayaa ahaa midkii ugu xumaa ee abid ay la kulmaan maleeshiyaatka ‘Puntland’ ee maamula qeybo ka mid ah gobolada waqooyi-bari Soomaaliya.

Ugu yaraan 61 askari ayaa lagu dilay weerarka, tiro kalena waa lagu dhaawacay ka dib markii Mujaahidiintu ay cagta mariyeen saldhigga, halkaasna ku xasuuqeen maleeshiyaatkii xerada ku sugnaa.



Maamulka ‘Puntland’ oo ka hadlay weerarkan ayaa beeniyey askarta looga dilay weerarkii Af-Urur, waxayna sheegeen in Xarakada Al Shabaab  ay laayeen dumar iyo caruur oo kaliya, lagana hortagay weerarkooda.

Mu’asasada Al-Kataa’ib waxay soo gudbineysaa sawiro muujinaya qaabkii uu u dhacay weerarkii Af-Urur ee lagu xasuuqay Maleeshiyaatka ‘Puntland’ iyo meydadka ciidanka Maamulka Cabdi Wali Gaas oo daadsan xeradii lagu dagaalamay.

Waxay sidoo kale soo gudbineysaa Al Shabaab oo qabsaday hanti  isugu jirta gaadiid, hub, Zaad ciidan oo  gacanta lagu dhigay intii lagu gudajiray weerarkii aroornimo ee Af-Urur.


FG: Sawirrada qaar idiinmasoo gubin karo sababa laxiriira Argagaxa ay xambaarsanyihiin

Source; Alkata'ib Media
































Halkan ka Daawo Sawirro Dheeri ah RadioAndalus24

Related Items