Dagaallo Saacado Badan Qaatay oo Ka Dhacay Magaalada Baardheere.

Saturday June 17, 2017 - 13:26:26 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaallo Saacado Badan Qaatay oo Ka Dhacay Magaalada Baardheere.

    Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa weeraro culus ku qaaday saldhigyo ay ciidamada Kenya iyo Kuwa Itoobiya ku leeyihiin magaalada Baardheere.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa weeraro culus ku qaaday saldhigyo ay ciidamada Kenya iyo Kuwa Itoobiya ku leeyihiin magaalada Baardheere.

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaallo culus ay xalay fiidkii ka bilaawdeen gudaha iyo magaalada Baardheere, dagaallada oo saacado badan socday ayaa saameeyay saldhigyada ciidamada shisheeye.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in dagaalka ugu culus uu ka dhacay saldhig ciidamada Kenya  ku leeyihiin Baardheere halkaas oo dhowr jiho ay ka weerareen ciidamada Xarakada SHM.


Jugta madaafiicda iyo rasaas xooggan oo lays dhaafsanayay ayaa laga maqlayay gudaha magaalada iyo Hareeraheeda.

Waa weerarkii 3-aad oo ka dhaca magaalada Baardheere tan iyo bilashada bisha Barakeysan ee Ramadaan, magaaladan waxaa gumeysi ku jooga kumanaan katirsan ciidamada gumeysiga Kenya iyo Itoobiya.

illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaallada dib uga qarxay magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items