Weerar Khasaara Dhaliyay oo lagu Qaaday Laanta Towfiiq Ee Degmada Yaaqshiid.

Saturday June 17, 2017 - 13:47:35 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Khasaara Dhaliyay oo lagu Qaaday Laanta Towfiiq Ee Degmada Yaaqshiid.

    Sida dad goob joogayaal ah ay SomaliMeMo u xaqiijiyeen weerar xooggan ayaa xalay ayaa fiidkii lagu qaaday saldhig ciidan oo kuyaal degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida dad goob joogayaal ah ay SomaliMeMo u xaqiijiyeen weerar xooggan ayaa xalay ayaa fiidkii lagu qaaday saldhig ciidan oo kuyaal degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho.



Xoogag hubeysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa xalay fiidkii weerar ku qaaday Laanta Towfiiq kadibna waxaa halkaasi ka dhacay iska hor'imaad muddo daqiiqada ah socday.

Rasaas xooggan oo lays dhaafsanayay ayaa xaafadda Towfiiq laga maqla, sidoo kale qaraxyo loo adeegsaday Baasuukayaal iyo Bambaanooyin ayaa lagu qaaday ciidamada booliska Dowladda Federaalka.

Ila wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa  sheegaya in dagaalkii xalay Ciidamada Al Shabaab  ay ku qaadeen xarunta Laanta-Towfiiq askar dhowr ah lagu dilay kuwo kalana lagu dhaawacay inkastoo aan la cayiman tirada askarta ee dagaalka ku waxyeelowday.



Dagaalkan ayaa imaanaya maalin kadib markii uu dhacay weerarkii Hotel Posh ee lagu dilay in kabadan 30 qof waxaana mas'uuliyadda weerarkaas sheegatay Xarakada Al Shabaab.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
somalimemo@gmail.com

Related Items