Afar Askari Mareykan Ah oo Lagu Dilay Toogasho Ka Dhacday Waqooyiga Afghanistan.

Sunday June 18, 2017 - 11:56:11 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Afar Askari Mareykan Ah oo Lagu Dilay Toogasho Ka Dhacday Waqooyiga Afghanistan.

    Ugu yaraan 4 Askari oo katirsan melleteriga Mareykanka ayaa ladilay 7 kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib weerar kaligii duulnimo oo ka dhacay waqooyiga wadanka Afghanistan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan 4 Askari oo katirsan melleteriga Mareykanka ayaa ladilay 7 kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib weerar kaligii duulnimo oo ka dhacay waqooyiga wadanka Afghanistan.

Mas’uul u hadlay wasaaradda G/dhigga Mareykanka ayaa sheegay in 4 Askari laga dilay todoba kalane laga dhaawacay kadib markii Nin soo xirtay dareeska ciidamada xukuumadda Afghanistan uu toogasho ka geystay saldhig melleteri oo ciidamadu si wadajir ah ugu sugnaayeen.

Col.Cabdi Qahaar Aram oo ah u hadlay melleteriga dowladda Dabadhilifka Afghanistan ayaa sheegay in ciidadoodu ay toogteen askarigii dilka ugeystay ciidanka Mareykanka.


Dhinaca kale Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan sida lagu xaqiijiyay bayaan rasmi ah oo kasoo baxay Sheekh Dabiixullaah Mujaahid oo ah Afhayeenka rasmiga ah ee xarakada Taliban.

Taliban waxay sheegtay in askariga weerarka fuliyay uu ahaa ‘Mujaahid’ katirsanaa ciidamadooda balse uu isku dhax qarinayay melleteriga Afghanistan, magaalada uu weerarkan ka dhacay ayaa ah Mazaaru shariif.

Toogasho 11,June,2017 ka dhacay saldhig kuyaal Afghanistan waxaa lagu dilay 4 sarkaal Mareykan ah, usluubkan qaabka dhagareysan ay Taliban ugu laynayso askarta Mareykanka ayaa soo bilaawday 10 sanadood ka hor waxaana muuqata in is aaminaadda ka dhaxaysa labada ciidan ay sii lumeyso.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
somalimemo@gmail.com

Related Items