Warbixin: Jeneraal Gabre oo Jaga Sare Ka Qabtay Ururka IGAD.

Sunday June 18, 2017 - 11:56:11 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Warbixin: Jeneraal Gabre oo Jaga Sare Ka Qabtay Ururka IGAD.

    Ururka goboleedka IGAD ee maamula duullaanka gumeysiga ah ee dalka Soomaaliya lagusoo qaaday ayaa markale xil cusub u magacaabay Jeneraal katirsan dowladda itoobiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gabre ayaa qoray caaradiis ku maamula Somalia
Ururka goboleedka IGAD ee maamula duullaanka gumeysiga ah ee dalka Soomaaliya lagusoo qaaday ayaa markale xil cusub u magacaabay Jeneraal katirsan dowladda itoobiya.

Warqad qoraal ah oo kasoo baxday Maxbuub Macalim xogyaha guud ee Ururka IGAD ayaa lagu sheegay in lataliye sare oo dhanka siyaasadda ah loo magacaabay Jeneraal Gabre Egziaber oo horay ugu lug lahaa gumeysiga Soomaaliya.

IGAD ayaa sheegtay in muddo sanad ah uu Gabre sii hayn doono xilka lataliyaha dhanka siyaasadda ee Xoghayaha Guud ee IGA taasi oo ka dhigan in uu majarah uqaban doono arrimaha siyaasadda Soomaaliya.


Jeneraalkan Itoobiyaanka ah ayaa sideedii sanadood ee lasoo dhaafay qeyb ka ahaa saraakiisha ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya kusoo duushay wuxuuna labadii sano ee lasoo dhaafay uu madax u ahaa guddi IGAD katirsan oo bud dhig u ahaa dhismaha maamul goboleedyada gumeysiga lashaqeeya ee Soomaaliya Kajira.

Sida ku cad qoraalka kasoo baxay Ururka IGAD Jeneraal Gabre ayaa bil walba mushaar ahaan uqaadan doona lacag dhan $7015.63 (Todobo kun iyo shan iyo toban dhibic lixdan iyo saddex oo dollar), halka sanaddii lasoo dhaafay uu mushaar uqaadan jiray $5,000.

Gabre ayaa isagoo Bastoolad wata dhowr mar kasoo muuqday warbaahinta wuxuuna shirar uqabanayay hoggaamiyaasha siyaasadda iyo odayaasha dhaqanka ee Itoobiya ujanjeera wuxuuna ahaa udub dhaxaadka maamullada Koonfur Galbeed,Jubbaland,Galmudug iyo Hirshabelle.

Jeneraalkan Itoobiyaanka ah ayaa xilligii Xasan Sheekh Xafiis ku dhax lahaa madaxtooyada Villa Somalia halkaas oo uu ka maamuli jiray dalka wuxuuna xaadiraa oo lagu marti qaadaa dhammaan shirarka lagu gorfaynayo arrimaha Soomaaliya.

Dowladda Itoobiya oo ah awoodda uu ku dhaq dhaqaaqo Ururka IGAD ayaa geed dheer iyo geed gaaban ufuushay in marnaba aan Gabre laga weyn arrimaha IGAD si uu usii wato damaceeda gumeysi ee dalka Soomaaliya

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
somalimemo@gmail.com

Related Items