Kooxo Hubeysan oo Qof Ku Dilay Galbeedka Beled Weyne.

Monday June 19, 2017 - 11:39:43 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxo Hubeysan oo Qof Ku Dilay Galbeedka Beled Weyne.

    Sida dad goob joogayaal ah ay SomaliMeMo u xaqiijiyeen xoogag hubeysan ayaa xalay galbeedka magaalada Beled Weyne ku dilay mid kamida odayaasha caanka ka ah magaaladaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida dad goob joogayaal ah ay SomaliMeMo u xaqiijiyeen xoogag hubeysan ayaa xalay galbeedka magaalada Beled Weyne ku dilay mid kamida odayaasha caanka ka ah magaaladaasi.



Wararka ka imaanaya xaafadda Howlwadaag ee magaalada Beled Weyne ayaa sheegaya in rag bastoolado ku hubeysan ay dileen Ibraahim Cismaan Muumin oo Fanax ku magac dheeraa illaa iyo hadda lama oga sababta loo dilay Ninkan iyo cidda dishay.

Raggii weerarka geystay ayaa goobta si nabad gelya ah uga dhaqaaqay mana jirin cid gacanta ku dhigtay, wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamo farabadan saaka ay howlgallo ka sameeyeen galbeedka magaalada Beled weyne balse lamasoo sheegin wax qab qabasho ah oo ay geysteen.



Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
somalimemo@gmail.com

Related Items