Al Shabaab oo Sheegtay in 9 Askari Kenyaan Ah Ay Ku Dishay Qarax Ka Dhacay Wajeer.

Monday June 19, 2017 - 18:10:16 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 2.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo Sheegtay in 9 Askari Kenyaan Ah Ay Ku Dishay Qarax Ka Dhacay Wajeer.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xooggan oo ciidamo Kenyaan ah lagula beegsaday gudaha dhulka NFD ee Gumeysiga Kujira.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir cusub gaari lagu gubay duleedka Gerileey
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xooggan oo ciidamo Kenyaan ah lagula beegsaday gudaha dhulka NFD ee Gumeysiga Kujira.



Qarax aad u xoogan oo miinooyinka dhulka lagu aaso ah ayaa lagu beegsaday Kolonyo ka tirsan  Kenya oo xilligaasi marayey meel u dhow deegaanka Geriley oo hoosyimaada degmada Wajeer ee gobolka NFD ee loo yaqaano waqooyi-bari.

Kolonyada oo ka koobneed laba gaari ayaa la sheegay in lala eegtay qarax aad u xoogan waxaana mas'uuliyadda qaraxan dubbadiiba sheegtay Xarakada Al Shabaab  sida ay baahisay idaacadda Andalus ee Afka xarakada ku hadashay 'sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Mujaahidiinta, Waxaana qaraxa la xaqiijiyey in lagu burburiyey mid ka mid ah gaadiidkii uu cadowgu watay" ayaa lagu yiri war lagasii daayay Idaacadda Andalus.



Gaariga la qarxiyey ayaa ahaa kuwa ciidanka daabula, waxaana la sheegay in gabi ahaanba uu halkaas ku burburay, wixii la socdayna ay halkaas dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen.

Ugu yaraan 9 askari oo ka tirsan ciidamada Kenya ayaa lagu dilay qaraxa halka 10 kale lagu dhaawacay, ciidamada dhaawacmay 4 kamid ah ayaa xaaladooda caafimaad laga dayrinayaa waxaana loola cararay isbitaal kuyaal magaalada Nairobi.

Qaraxan ayaa qeyb ka ah weerarada joogtada ah ee xoogaga Al Shabaab  ay ka wadaan dhulalka gumeysiga ku hoosjira ee Lamu iyo NFD, mas'uuliyiinta Xarakada ayaa horay u sheegay in weeraradan oo jawaab celin u ah duullaanka Kenya  kusoo qaadday  Soomaaliya ay sii socan doonaan illaa kenyaatigu ay isaga baxayaan gobollada Gedo iyo Jubbada Hoose.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
somalimemo@gmail.com

Related Items