Dowladda Mareykanka Oo diyaarad Dagaal kasoo ridday Suuriya iyo Digniin Ka Timid Ruushka.

Tuesday June 20, 2017 - 13:09:05 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Mareykanka Oo diyaarad Dagaal kasoo ridday Suuriya iyo Digniin Ka Timid Ruushka.

    Xiisada u dhaxeeya isbahaysiga Mareykanku hoggaaminayo iyo dowladda Ruushka ayaa lagasoo sheegayaa wadanka suuriya oo xulufadaas ay duullaan gardarra ah ku qaadeen ayna ku xasuuqayaan muslimiinta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiisada u dhaxeeya isbahaysiga Mareykanku hoggaaminayo iyo dowladda Ruushka ayaa lagasoo sheegayaa wadanka suuriya oo xulufadaas ay duullaan gardarra ah ku qaadeen ayna ku xasuuqayaan muslimiinta.

Wararka Suuriya ka imaanaya ayaa sheegaya in ciidanka cirka Mareykanka ay dhulka soo dhigeen diyaarad dagaal oo nidaamka Bishaar Al-asad uu lahaa xilli ay dul heehaabaysay duleedka magaalada dabaqah ee gobolka Raqqa.

Wasaaradda difaaca Mareykanka ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in diyaarad nuuceedu yahay sookheey22 ay dhulka soo dhigtay kadib markii ay duqeysay maleeshiyaadka Malaaxidada Kurdiyiinta ee Mareykanku tababaray.


"beegsiga xoogaga Kurdiyiinta ee Argagaxisada ladagaalamayo ma ogolaan karno, diyaaradda aan kasoo ridnay nidaamka Suuriya waxay duqey ku heysay xulufada Mareykanka” sidaas ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradda G/dhigga.

Afhayeen u hadlay maamulka Bishaar Al-asad ayaa isna xaqiijiyay in diyaarad dagaal lagasoo riday islamarkaana uu dhintay duuliyihii diyaaradda kaxaynayay.

Dhinaca kale dowladda Ruushka ayaa si adag uga hadashay tallaabada Mareykanku kusoo riday diyaaradda Nidaamka Suuriya, wasaaradda Difaaca ruushka waxay sheegtay in gebi ahaan ay joojisay xiriirkii kala dhaxeeyay isbahaysiga Mareykanku Hoggaaminayo waxayna ku hanjabtay in jawaab celin ay bixin doonto.

"Diyaaradaha isbahaysiga caalamiga ah ee suuriya ku sugan waxay hadaf u yihiin difaaceena Hawada, waana beegsan doonaa dhammaan diyaaradaha kasoo gudba galbeedka wabiga Furaat” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Ruushka.

Dowladaha Mareykanka iyo Ruushka oo muddo Nus qarni uu dagaal qaboow ka dhaxeeyay ayaa hadda isku maandhaafsan dagaalka wadanka Suuriya waxaana xusid mudan in labada dowladood ay heshiis ku xasuuqi muslimiinta iyo qabsashada dhulalka muslimiinta balse waxay isku maandhaafsanyihiin dabadhilifyada xamladooda ka hoos shaqeeya.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items