Hoggaamiya Sacuudiga Oo Wiilkiisa Umagacaabay Dhaxal Sugaha 1-aad Ee Boqortooyada Warbixin.

Wednesday June 21, 2017 - 07:07:49 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hoggaamiya Sacuudiga Oo Wiilkiisa Umagacaabay Dhaxal Sugaha 1-aad Ee Boqortooyada Warbixin.

    Amar Boqortooyo oo saaka aroortii kasoo baxay Salmaan Bin C/Caziiz Boqorka Dabadhilifka dowladda Sacuudiga ayaa xilkii uu hayay looga xayuubiyay mid kamida wasiirada ugu awoodda badan wadanka ahaana ruug Caddaa dhanka amniga ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Salmaan Bin Abdul Aziiz waa Hoggaamiye ujajaban Dowladda Mareykanka
Amar Boqortooyo oo saaka aroortii kasoo baxay Salmaan Bin C/Caziiz Boqorka Dabadhilifka dowladda Sacuudiga ayaa xilkii uu hayay looga xayuubiyay mid kamida wasiirada ugu awoodda badan wadanka ahaana ruug Caddaa dhanka amniga ah.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday in Max’med Bin Naa’if laga qaaday xilkii wasiirka arrimaha gudaha iyo dhaxal sugaha koowaad ee Boqortooyada.

Hoggaamiyaha Sacuudiga ayaa wiilkiisa Max’med Bin Salmaan umagacaabay dhaxal sugaha koowaad ee Boqortooyada, sidoo kale wasiirka arrimaha gudaha waxaa loo magacaabay C/Caziiz Bin Sacuud Bin Naa’if.

Isbedelkan dhanka maamulka ah ee uu Boqor Salmaan ku dhaqaaqay ayaa banaanka soo dhigaysa heerka ay gaarsiisantahay Kaligii Talisnimada Nidaamka Aala Sacuud kaasi oo ehelkiisa kusoo koobay maamulka.


إعفاء محمد بن نايف وتعيين محمد بن سلمان وليا للعهد
Max'med Bin Naa'if (Bidix), Max'med Bin Salmaan (Midig)

Max’med Bin Salmaan wuxuu noqonayaa Ninka ugu awoodda badan talada wadanka wuxuuna isku hayaa laba jago oo kala ah wasiirka difaaca iyo dhaxal sugaha koowaad ee Boqortooyada sidoo kale waa Ninka sida rasmiga ah wadanka umaamula maadaama aabihii uu yahay waayeel gaboobay.

Nin lagu magacaabo Mujtahid oo soo dusiya sirta dowladda Sacuudiga ayaa maalma ka hor barta Twitterka ku faafiyay warbixin sheegaysa in Max’med Bin Salmaan uu Afgambi aan dhiig ku daadan uu talada kula wareegi doono.

Dhaxal sugihii hore ahaana wasiirka arrimaha gudaha Max’med Bin Naa’if ayaa shantii bilood ee lasoo dhaafay fadhiid ka ahaa siyaasadda dowladda Sacuudiga waxaana banaanka usoo baxay shakigii laga qabay in xilka boqorka ee wadanka loosii diyaarinayo Max’med Bin Salmaan oo ah Nin dhalinyara ah kalsoonina ka heysta Mareykanka iyo Yahuudda.

Sacuudiga iyo Imaaraatka Carabta ayaa hoggaaminaya isbahaysi ballaaran oo ka dhan ah waxa loogu yeero Argagaxisada waxayna dhowaan go’doomin dhan walba ah kusoo rogeen dowladda Qadar oo kamid ah awoodaha ee mandiqadda Khaliijka.

Sawirkii ugu dambeeyay ee laga qaaday Max'med Naa'if ayaa ahaa isagoo R/wasaaraha Shiiciga Ciraaq Xeydar Al-cabaad kusoo dhoweynaha magaalada Rayadh maalin kadibna xilalkii uu hayay ayaa laga xayuubiyay arrinkaas oo dad badan ka yaabiyay.


Max'med Bin Naa'if-ka xilka qaadista lagu sameeyay ayaa bilihii lasoo dhaafay wajahayay cadaadis dhanka Salmaan uga imaanayay, falanqeeyayaasha siyaasadda waxay sheegayaan in dowladda Aala Sacuud ayaa cagta saartay dhabihii khilaafka iyo kala tagga marka loo eego wiilashada dhalinyarada ah ee xilka isku haya waxaana sii dhammaanaya cahdihii odayaasha waayeellada ah ay wadanka Boqorrada ka ahaayeen.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items