Abwaan C/Waaxid Gama'diid oo lagasii Daayay Xabsi Kuyaal Magaalada Hargeysa.

Wednesday June 21, 2017 - 10:09:31 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Abwaan C/Waaxid Gama'diid oo lagasii Daayay Xabsi Kuyaal Magaalada Hargeysa.

    Saraakiisha maamulka isku magacaabay 'Somaliland' ayaa xaqiijiyay in lasii daayay Abwaan C/waaxid Gama'diid oo muddo sanada ah ku xirnaa xabsi ammaankiisa si aad ah loo ilaaliyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saraakiisha maamulka isku magacaabay 'Somaliland' ayaa xaqiijiyay in lasii daayay Abwaan C/waaxid Gama'diid oo muddo sanada ah ku xirnaa xabsi ammaankiisa si aad ah loo ilaaliyo.

Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in laba sanadood kadib uu xuriyaddiisa uu dib uhelay Abwaanka Islaamiga C/waaxid Gama'diid.

Ehellada Abwaanka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in C/waaxid oo nabad qaba uu dib ugu laabtay gurigiisa, wararka ayaa intaasi ku daraya in Abwaanku uu dhammeystay laba sanadood xarig ah oo maxkamadda magaalada Hargeysa ku xukuntay kadib markii uu tiriyay gabay uu ku bogaadinayay raggii fuliyay weerarkii magaalada Paris ee lagu qaaday saxafiyiin aflagaadeeyay Nabi Muxamed SCW.


Ma ahan markii ugu horraysay oo maamulka Hargeysa uu xabsiga dhigo Abwaan Cabdi Waaxid oo kamid ah Afmaallada Soomaaliyeed ee dadka u bidhaamiyo xumaanta gumeystaha.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items