Al Shabaab oo Sheegtay in Col.Cabdi Rashiid Barre Gurxan Ay Ku Dishay Degmada Ceel-Waaq.

Saturday June 24, 2017 - 17:22:55 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo Sheegtay in Col.Cabdi Rashiid Barre Gurxan Ay Ku Dishay Degmada Ceel-Waaq.

    Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in howlgal gaar ah oo ka dhacay magaalo kulaasha Xad beenaadka ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya lagu dilay sarkaal sare oo katirsanaa ciidanka Dowladda Federaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in howlgal gaar ah oo ka dhacay magaalo kulaasha Xad beenaadka ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya lagu dilay sarkaal sare oo katirsanaa ciidanka Dowladda Federaalka.

Xoogag katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa bartamaha magaalada Ceelwaaq ku dilay Col.Cabdi Rashiid Barre Gurxan oo kamid ahaa saraakiisha ciidanka DF-ka ee melleteriga Kenya tababaray.

War rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab ayay ku sheegtay in ciidamadooda gaar ah ay u dhaceen guri uu Col.Gurxan ka deganaa degmada Ceelwaaq "Mujaahidiinta ayaa Howlgal gaar ah oo ka dhacay Ceelwaaq ku Khaarijiyay Col.Cabdi Rashiid Barre Gurxan oo katirsanaa Saraakiisha Murtadiinta” ayaa lagu yiri war lagasii daayay idaacadda Andalus ee Afka Xarakada SHM ku hadasha.


Wararka ayaa intaasi ku daraya in xoogaga weerarka fuliyay ay guriga Col. Gurxan ka qaateen dukumiintiyo iyo hub uu si gaar ah ulahaa.

Weerarkan ayaa ahaa mid kedis ah oo argagax ku abuuray saraakiisha iyo mas’uuliyiinta ku sugan degmada Ceelwaaq, wararka ayaa intaasi ku daraya in xoogagii weerarka geystay ay si nabad gelya ah uga baxeen magaalada iyagoo hub iyo dukumiintiyo wata.

Col.Cabdi Rashiid Barre Gurxan ayaa galaangal weyn ku lahaa dagaallada ka socda gobolka Gedo wuxuuna xiriir wanaagsan lalahaa dowladaha Kenya iyo itoobiya oo uu kala shaqeyn jiray ladagaallanka Xarakada Al Shabaab.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Mudisho
[email protected]

Related Items