Shacabka Muqdisho Oo Ka Cabanaya Guuxa Diyaarado Dagaal oo Magaalada Dul Heehaabaya.

Monday September 25, 2017 - 11:41:59 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shacabka Muqdisho Oo Ka Cabanaya Guuxa Diyaarado Dagaal oo Magaalada Dul Heehaabaya.

    Malaayiin qof oo kunool magaalada Muqdisho ayaa ka cabanaya diyaarado dul heehaaba dhammaan degmooyinka gobolka Banaadir kuwaasi oo dadka qaar hurdada udiiday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

UAS ayaa diyaaradda AC130 u adeegsata howllo Basaasnimo
Malaayiin qof oo kunool magaalada Muqdisho ayaa ka cabanaya diyaarado dul heehaaba dhammaan degmooyinka gobolka Banaadir kuwaasi oo dadka qaar hurdada udiiday.


10-kii Habeen ee lasoo dhaafay waxaa hawada magaalada dul heehaabaya diyaarado Basaas iyo kuwa dagaal oo ay leedahay dowladda Mareykanka, guuxa diyaaradda AC-130 ee fulisay howlgallada Basaas iyo duqeyn toos ah ayaa hurdada kasoo toosiya kumanaan shacab ah.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa Warbaahinta u sheegay in guuxa diyaarado kala duwan ay saameeyeen deganaashiyaha magaalada iyagoo isweydiinayo sababta Mareykanku diyaarado ugusoo fasaxay magaalo ay gacanta ku hayaan wakiilladiisa Soomaaliya ee AMISOM iyo Dowladda Federaalka!.


Marmarka qaar waxaa hawada caasimadda lagu arkayaa diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drone-ka loo yaqaan kuwa wax duqeeya ee Gantaalladu uka xiranyihiin garbaha.

"Habeenadaan dambe waxaan ka jiifan la’nahay guuxa diyaarado aanan garan ujeedkooda kuwaas oo Hurdada kasoo toosiya carruurta iyo haweenka” sidaa waxaa yiri qof kunool degmada Wardhiigleey.

Diyaaradaha wax basaasa iyo kuwa wax duqeeya ayaa sanadadii lasoo dhaafay dul haadayay magaalooyinka iyo degmooyinka ay maamusho Xarakada Al Shabaab balse hadda waxaa muuqata in dhammaan magaalooyinka dhaca Koonfurta Soomaaliya ay dhibaatadaaas wada qabaan.

Lama oga in tallaabadan ay qeyb ka tahay qorshaha sugidda ammaanka Muqdisho ee ay dhowaan ku dhawaaqday dowladda Federaalka, diyaaradda AC-130 ayaa ah midda ugu daran ee ay ka sheeganayaan shacabka Muqdisho waana diyaarad guuxeedu uu gilgilo guryaha Jiingadaha ka sameysan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho

Related Items