Markab Jiiray Xargaha Fiber Optic-ga Ee Internetka Siin Jiray Koonfurta Soomaaliya.

Wednesday June 28, 2017 - 17:55:09 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Markab Jiiray Xargaha Fiber Optic-ga Ee Internetka Siin Jiray Koonfurta Soomaaliya.

    inta badan magaalooyinka dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya wali waxaa ka go'an adeegga internetka waxaana jira warar sheegaya in isbuucyo uu sii maqnaan doono adeegga Fiber Optic-ga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkadda Dalcom ayaa internetka soo gelisa Somalia
inta badan magaalooyinka dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya wali waxaa ka go'an adeegga internetka waxaana jira warar sheegaya in isbuucyo uu sii maqnaan doono adeegga Fiber Optic-ga.

War rasmi ah oo kasoo baxay shirkadda Dalcom oo mas’uul ka ah Fiber Optic-ga xargaha badda hoosteeda mara ayaa lagu sheegay in sababta cilladda keentay ay tahay Markab xamuul ah oo jaray dhammaan xargihii Internetka ee badda gunteeda soo marayay.

Agaasimaha shirkadda Dalcom ayaa warbaahinta u sheegay in Markabka dhibaatada geystay uu ku xiranyahay Marsada caalamiga Muqdisho wuxuuna carrabaabay in xallinta cilladan ay qaadan karto waqti dheer haddii Maraakiibta cillad bixintaysa Cable-ka ay ku adkaato cillad bixinta.


Internet la’aanta ayaa saameyn ballaaran ku reebtay qaar katirsan bulshada ku dhaqan caasimadda waxaana si gaabis ah ku shaqeynaya adeegyada Shirkadaha Xawaaladaha iyo Bankiyada oo shaqadoodu Internet ku xirantahay.

Xaafadaha qaar waxaa lagu arkayaa dad safaf dhaadheer ugu jira goobo fara kutiris ah oo lagu kireeyo Internetka Sattalleetku bixiyo ee diishash-ka lagu isticmaalo.

Gobollada waqooyi Galbeed iyo Waqooyi Bari Soomaaliya ee ay kajiraan maamullada ‘Somaliland’ iyo ‘Puntland’ ayay dadku si caadi ah u isticmaalayaan internetka wax saameyn ahna kuma yeelan Cable-ka ku cilladoobay xeebaha Muqdisho sababa la xiriira iyagoo khadka Internetka ka hela wadanka Jabuuti wuxuna soo maraa dhanka Barriga.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items