Gaari Gaashaaman Oo Ciidamada AMISOM Looga Gubay Magaalada Muqdisho.

Friday June 30, 2017 - 11:01:43 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gaari Gaashaaman Oo Ciidamada AMISOM Looga Gubay Magaalada Muqdisho.

    Jugta qarax xooggan ayaa maanta barqadii laga maqlay degmooyin katirsan magaalada Muqdisho waxaana qaraxaas lala eegtay ciidamo katirsan AMISOM.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jugta qarax xooggan ayaa maanta barqadii laga maqlay degmooyin katirsan magaalada Muqdisho waxaana qaraxaas lala eegtay ciidamo katirsan AMISOM.

Dad Goob Joogayaal ah ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in gaari Taaw ah oo Ciidamada AMISOM wateen uu ku gubtay wadada Warshadaha oo kamid ah waddooyinka ugu mashquulka badan magaalada Muqdisho.

Miino dhulka lagu aasay ayaa gaariga la qaraxday xilli uu marayay agagaarka Machadka SIMAD, gaariga qaraxu haleelay ayaa la arkayay isagoo ku gubanaya wadada laamiga ah waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday ciidamo katirsan AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda dowladda Uganda.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items