Kumuu Ahaa Col.Fu'aad Cali Foolxun oo Gaalkacyo Lagu Dilay.

Saturday July 01, 2017 - 11:16:59 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Kumuu Ahaa Col.Fu'aad Cali Foolxun oo Gaalkacyo Lagu Dilay.

    Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in rag hubeysan ay toogasho ku dileen sarkaal sare oo katirsanaa booliska maamulka 'Puntland' isku magacaabay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in rag hubeysan ay toogasho ku dileen sarkaal sare oo katirsanaa booliska maamulka 'Puntland' isku magacaabay.


Xoogag bastoolado ku hubeysan ayaa waqooyiga Gaalkacyo ku dilay Col. Fu’aad Cali Foolxun oo katirsanaa saraakiisha booliska maamulka ‘Puntland’, sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah sarkaalka ayay rasaastu ka haleeshay qeybta sare ee Jirkiisa isla goobta ayuuna qurbaxay.

Waa Kuma Fu’aad Cali Foolxun.


Fu’aad wuxuu katirsanaa saraakiisha Booliska ee ka howlgala waqooyiga magaalada Gaalkacyo muddo ka hor ayuu wiil dhalinyara ah oo lagu eedeeyay in uu katirsanyahay Xarakada Al Shabaab wuxuu ugacan geliyay Sirdoonka maamulka Ashahaadda ladirirka ‘Puntland’.

Maamulka Cabdi Wali Gaas ayaa Col.Fu’aad Cali Foolxun lacago kumanaan dollar ah iyo gaari nuuca raaxada ah abaalmarin ahaan usiiyay Fu’aad Foolxun kadib markii uu sirdoonka ugacan geliyay wiil dhalinyara ah oo dadka deegaanka katirsan.

Wiilkii dhalinyarada ahaa ee Fu'aad uu gacan gelintiisa abaalmarinta ku qaatay wuxuu kamid ahaa todobo qof oo shalay magaalada Boosaaso lagu dilay balse Col.Fu'aad ayaan calfan lacagtii abaalmarinta aheed  ee uu qaatay isla xalay ayay god uwada hoydeen isaga iyo wiilkii dhalinyarada ahaa ee uu shirqoolay.

Xarakada Al Shabaab ayaa durbadiiba sheegatay Mas'uuliyadda dilka Fu'aad Cali Foolxun sida ay baahisay idaacadda Andalus ee Afka xarakada ku hadasha.

LIibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items