Koowda Luuliyo 57 Sano Kadib 1960-kii Soomaaliya oo Gumyesi Gashay Warbixin.

Saturday July 01, 2017 - 16:49:57 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Koowda Luuliyo 57 Sano Kadib 1960-kii Soomaaliya oo Gumyesi Gashay Warbixin.

    Xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho oo ay gacanta ku hayaan ciidamo shisheeye ayaa xalay laga xusay munaasabadda 1-da luuliyo, iyadoo uu madaxweyne Farmaajo khudbadiisa ku sheegay in dalku xor yahay oo Soomaaliya meel wanaagsan mareyso.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho oo ay gacanta ku hayaan ciidamo shisheeye ayaa xalay laga xusay munaasabadda 1-da luuliyo, iyadoo uu madaxweyne Farmaajo khudbadiisa ku sheegay in dalku xor yahay oo Soomaaliya meel wanaagsan mareyso.



Haddaba sida ay qof walba ugu muuqato xaaladda dhabta ah ayaa waxaan jeclahay inaan inti aan kari karo soo gudbiyo macluumaadyo ku dhisan cadeymo taariikheed, waaqicana ka hadlaya.

Wixii ka horreeyay Qarnigii 18-aad inta uusan billaaban duulaankii dhulkeena lagu qeybsaday, waxaanu ahayn ummad dhaqan iyo dhaqaale ahaanba aad ugu xiran caalamka Islaamka matashana muslimiinta geeska Afrika, taasna waxay keentay in dowladihii gaalada inoo tashadaan.



Shirkii taariikhiga ahaa ee ay 1884kii ku qabsadeen magaalada Baarliin ayaa waxay ku goáamiyeen iney Soomaaliya qeybsadaan, waxaana dhacday in Itoobiya la siiyo Hawd iyo galbeed, Faransiisku qaato Jabuuti, Kenya la siiyo NFD, halka Ingiriiska iyo Talyaanigu kala qabsadeen Koofurta iyo Wuqooyiga.

Xilligaasi wixii ka dambeeyay wuxuu dalku galay xaalad gumeysi oo wadatay dhallan rog iyo gaaleysiin, sidaa darteed waxaa meelo badan ka bilowday dhaqdhaqaaqyo looga soo hor jeestay maamulkii Gumeystaha. Dhaqdhaqaaqyadii ugu caansanaa ayaa waxaa kamid ah: kii Jihaadiga ahaa ee Axmad Gurey, sida la ogsoonyahayna ahaa halgankii ugu caansanaa Soomaaliya uguna horeeyay ee looga soo hor jeeday gumeysiga.

Rabbi naxariistii Janno haka waraabiyo ’e Axmad Gurey waxa uu ku guuleystay inuu Jabiyo boqortooyadii Xabashida uuna gacanta ku dhigo Xaruntoodii illaa heer uu gaarsiiyay iney gaalada walaalahood u qeyshadaan.

Halganki Axmad Gurey oo ay ku dhismeen Imaarado islaami ah oo ah kamid hayd Harar, Shawo iyo Zeylac ayaa waxaa xigay kii Daraawiishta oo uu hogaaminayay halyeygii Sayid Maxamad Cabdulle Xassan kaasoo muddo ka badan 20 sannadood la dagaalamayay gumeystihii Ingiriiska.

Daraawiishtii waxay ku guuleysteen iney muddo ka badan qarni dib u dhigaan ahdaaftii gumeystaha oo ahayd in dalka lasii kala qeybiyo ummada inteeda badan la gaaleysiiyo iyadoo Sayidkuna uu inooga tagay dardaaranno uu Gabay ku cabiray.

Dabin buu idiin qoolayaa waydin dagayaaye
Dirhamkuu idiin qubahayaad dib u goáaysaane
Marka hore dabkuu idinka dhigi dumar sidiisiiye
Marka xigana daabakhaada yuu idin dareensiine
Marka xiga dushuu idin ka rari sida dameeraha ’e

Marka xiga dalkuu idin ku oran duunyo dhaafsada ’e

Sidoo kale waxaa jiray hayeeyo kale oo la halgamay gumeystaha illaa markii dambe laga soo gaaray sannadkii 1960 1-dii Luuliyo oo ay isku furmeen gobolada Wuqooyi iyo Koofur oo ay Talyaaniga iyo Ingiriisku kala heysteen, goortaas oo la asteeyay in Soomaaliya Xoriyad qaadatay.

Xorriyaddu Dhab Ma Ahayd?

Inkastoo uu gumeystuhu ka guuray dalka, haddana Soomaalidu kama aaney faa’iideysan miraha halgankeedii ee uu dhiiga faraha badan kusoo daatay, kadib markii loo dhisay dowlad ku dhaqanta dastuur shisheeyuhu qoray xubnana ka yihiin dadkii ay gaaladu soo carbisteen.

Alle ha u naxariisto’e Abwaan Axmed Ismaaciil Diiriye (Qaasim) ayaa markii uu arkay dowladdan tiriyay gabay ay kamid yihiin erayada soo socda:

Danbi ku hadli maayo’e ma arag dawladdaan rabaye

Isma doorin gaalkaan diriyo daarta kii galay e’

Dusha midabka Soomaali baad dugulka mooddaaye

Misna laguma diirsado qalbigu waa dirkii Karal’e

Allaah u nxariisto e’ Abwaan kale oo isna cabiraya inaanu gumeystuhu dhab u bixin kana tagay dhashiisii ayaa wuxuu yiri’

Good iyo abees bays bedeley garanamaysaane

Goraygii ilmihi buu kategey guumiska ahaaye
Gocondhooyin baa aasan iyo mici gabaareeye
Karal kaama guurine halkanuu guud madow yahay

Gumeystuhu wuxuu ahaa mid mar walba fara galin toos ah ku hayay labadii dowladood ee ugu horeysay, laakin dowladdii Kacaanka isaga ayaa dumiyay oo wuxuu u adeegsaday Itoobiya iyo hogaamiye kooxeedyo caada qaatayaal Soomaaliyeed kadib markii ay iskala qabweynaatay.

Istaraatiijiyadda Gumeystaha Ee Burburkii Kadib

Burburkii Soomaaliya waxaa ku beegnaa dhicitaankii maamulkii Xabashida ee Mingiste, waxaana dhacday in beesha caalamku ay laba waji ula dhaqanto xaaladaha labada wadan.

Itoobiya oo aan xabad ka dhicin ayaa waxay u sameeyeen maamul badalay kii hore iyagoo juhdi ku bixiyay inaan la bililiqeysan xarumaha dowladda, halka Soomaaliya ay u horseedeen inuu burburo milatarigeedii sidoo kalana dalku galo fowdo iyo dagaal qabiil si ay ugu dambeyntii u sahlanaato qabsashadiisa.

Dhowr iyo toban sano oo ay dagaal qabiileedyo ka jireen Soomaaliya, gaaladu waxay ahaayeen kuwa sheeda ka daawanayay oo sii hurinayay, laakin markii ay soo bexeen Maxkamadihii islaamka dadkuna walaaloobeen ayaa waxaa dhacday iney soo duusho Itoobiya oo uu Mareykanku gadaal ka taagan yahay.

Halgan iyo naf hur badan kadib, Allaah ayaa qadaray in Xabshida dalka isaga cararto, Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaana dhidibada u aastay 11 Wilaayo oo sharciga islaamka lagu dhaqo, kuwaasoo ay mar kale gaaladu kusoo duushay iyadoo food saare ka dhiganeyso dowlad ku sheegyo dabadhilif ah.

Halkee Buu Xaal Marayaa Hadda oo 2017 Ah.

Soomaaliya oo 1884-tii loo qeybiyay shan ayaa waxaa maanta mar kale loo sii qeybiyay sagaal maamul oo dhammaantood ka shidaal qaata cadawgeenii soo jireenka ahaa ee Itoobiya, Maamuladan ayaa waxaa hogaan looga dhigay dad intooda badan qurbaha lagu soo diyaariyay, kuwaasoo gaaray heer ay ansixiyaan shuruucda Qowmu Luudnimada ee sida aadka ah loo hadal hayo maalmahan.

Ilaha dhaqaalaha ee wadanka oo ay ugu horeeyaan kuwa caasimadda waxaa gacanta ku haya hey’ado iyo shirkado ajaanib ah oo boob ku haya hantida ummada. Dalka waxaa ka ciidan ah askar shisheeye oo ay ugu horeeyaan Xabashida iyo Kenya oo doonaya iney mar kale hantiyaan dhul Soomaaliyeed, maadaama ay heleen nidaamyo caado qaatayaal ah oo aan diin, dal iyo dad toona u naxayn.

Calanka Buluugga ah ee dhaxda xidigta 5-ta gees leh uga xardhantahay wuxuu
ka dhiganyahay shanta soomaaliyeed dhammaantood maanta gumeysi ayay kujiraan


Siyaasad ahaan waxaa dalka xukuma Qaramada Midoobay, waxay dajisaa qorshaha dowladda iyo maamul goboleedyada sida:- shirarka, doorashada, mooshinada xildhibaanada, xallinta khilaafaadyada iyo wax yaabaha lamidka ah. Madaxweynaha DF-ka Max'med Cabdullaahi Farmaajo wuxuu horraantii sannadkan sheegay inuu dalka ka saari doono xarakada alshabaab wuxuuna adeegsaday lafdiga ah "xureynta dalka ee Argagaxisada Al Shabaab".

Maalin walba waxaan maqalnaa xildhibaanada Baarlamaanka oo sheegaya in dalku gumeysi ku jiro, waxaa ugu dambeeyay oo aan maalmihii lasoo dhaafay maqleynay culimadii iyo odayaashii shisheeye kalkaalka ahaa oo ka cabanaya sharci ku sheegga la ansixiyay ee dhigaya in raggu is guursan karaan inkastoo ay markii dambe ka laabteen diidmooyinkoodii!.

Haddaba walaalayaal adinka ayaan idiin deynayaa waxa aad ku sifeyn lahaydeen xaaladda uu dalku marayo!.

Hadafka Shisheeyaha

Haddii aanan la iska dhicin shisheeyaha, waxaa u daggan in dalku kusii jiro xaaladda aan kor kusoo sheegnay iyo mid kasii daran, ugu dambeyntiina gobol gobol loogu biiriyo Itoobiya, waana qorshe halis ah oo lagu cirib tirayo Soomaaliya. Allaah kadib waxay badbaadada diinta, dadka iyo dalka ku xiran tahay ummada Soomaaliyeed oo aan hubo in haddii ay kacdo ay baajin karto halista, taasoo sidoo kale haddii ay u sacaba tunto maamulada khawanada ah sabab u noqon karta dabar go’eeda.

 

وَإِذَا أَرَدْنَا أَن نُّهْلِكَ قَرْيَةً أَمَرْنَا مُتْرَفِيهَا فَفَسَقُوا فِيهَا فَحَقَّ عَلَيْهَا الْقَوْلُ فَدَمَّرْنَاهَا تَدْمِيرًا:قال الله تعالى

 

Aniga waxaan ku talin lahaa inaan qaadano awaamiirta Allaah oo aan jidkiisa ku dagaalanno si aan u helno raali ahaanshihiisa, cizi aduun iyo mid aakhiro. Jihaadku maanta waa waajib, qofkaan dooneyn inuu jidka Alle ku dagaalamo oo janno raadsado, xataa waxaa la gudboon inuu difaacdo naftiisa, hantidiisa iyo ehelkiisa.قَاتِلُوا فِي سَبِيلِ اللَّهِ أَوِ ادْفَعُوا

 

Marka lagu soo duulo ummadaha adduunka ku nool, waxay ku dagaalamaan mabda’ diineed ama mid wadan, waxaana ceeb ah in Soomaali si uun isaga dhicin weyso gaalada. Axmad Gurey, Sayidka, Sh/barsane iyo raggii lamidka ahaa, waxay gaalada kala hor tageen Jihaad jidka Alle ah, halka dadkii Itoobiya la diriray 1977 ay u halgameen hab wadaniyadeed iyagoo ku heesi jiray:

Ninkii Dhoof Ku Yimidbaa Geeridu Dhibaysaa

Wakhtigii Dhamaayoo Wuu Dhaqaaqi Doonaaa

Dhulka Soow Anigu Malihi?

Jacaylka dalka loo qabo darti waxaa la oran jiray:

Inaan nafteyda u hibeeyo

Noloshana geeri ku iibsho

Oo aan dartii iilka ugu hoydo

Arligeyga iyo ciidaa xaq igu leh…

Walaalayaal baaqeygu waa inaan kacnaa oo aan Alle darti u jihaadnaa, waan kasoo gudubnay xilligii jaahiliyadda ee aan raayada Towxiidka ka hoos dagaalanno, hana la ogaado haaddii aan gacmaha laabanana inaan caruurteena uga tageyno gumeysi, gaaleysiin iyo aakhiro beel.

Nin dharbaaxo quureed dugsaday Dhaqanyadeed maalye

Dhashaadey sugtaa xaajadaad dhowrataa abide.

W/Q Warfaa Kheyrdoon

Email: [email protected]

Related Items