Q.Midoobe Oo Qiima Dhismis Ku Sameysay Qarashka Ku Baxa 14 Howlgal oo Soomaaliya Ay Ka Mid Tahay.

Sunday July 02, 2017 - 09:08:52 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Q.Midoobe Oo Qiima Dhismis Ku Sameysay Qarashka Ku Baxa 14 Howlgal oo Soomaaliya Ay Ka Mid Tahay.

    Waxa loogu yeero Q.Midoobe ayaa ku dhawaaqday in hoos loo dhigay dhaqaalaha lagu bixiyo howlgallada Nabad ilaalinta loogu magac daray ee Ururka Q.Midoobe uu ka wado caalamka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa loogu yeero Q.Midoobe ayaa ku dhawaaqday in hoos loo dhigay dhaqaalaha lagu bixiyo howlgallada Nabad ilaalinta loogu magac daray ee Ururka Q.Midoobe uu ka wado caalamka.

Kulan ay Golaha ammaanka ku yeesheen magaalada New York ayay ku sheegeen in lacago boqolaal milyan oo dollar laga jaray qoondada sanadalaha ah ee loo qorsheeyay howlgallada caalamiga ah.

Xoghayaha guud ee UN-ka ayaa sheegay in la go’aamiyay dhimista lix boqol oo milyuun oo dollar lacagtaas oo sanad walba lagu bixin jiray ciidamo Q.Midoobe hoostaga oo ka howlgala wadamo ay Soomaaliya kamid tahay.


Dowladda Mareykanka oo bixisa dhaqaalaha ugu badan ee lagu kala wado Ururka Q.Midoobe ayaa soo dhoweysay tallaabadan balse waxay dhaliishay lacagta ladhimay oo ay ku tilmaamtay mid aad u hooseysa.

"waan soo dhoweynaynaa lacag dhimista lagu sameeyay howlgallada Q.Midoobe balse waa wax aad uyar waxaan codsanaynaa in lacag hor leh la dhimo” sidaas waxaa yiri safiirka Mareykanka ee Q.Midoobe.

Lacag dhimistan ayaa lagu sameeyay 14 howlgal oo ka socda wadamo ay kamid yihiin Soomaaliya,Congo, Afrikada dhexe iyo Heyti, falanqeeyayaal ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya ay qiima dhimistani saameyn ballaaran ku yeelan doonto.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items