Aragtida Farmaajo: Al Shabaab Cadawga Umadda, Itoobiya Walaalaha Umadda Soomaaliyeed! W/Q Hilaal Colaad.

Sunday July 02, 2017 - 12:26:24 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Aragtida Farmaajo: Al Shabaab Cadawga Umadda, Itoobiya Walaalaha Umadda Soomaaliyeed! W/Q Hilaal Colaad.

    26-ka,June, iyo 1 Luuliyo waa maalmo Soomaaliya laga dabaal dego waxaana laysku yiraahdaa Maalmaha xuriyadda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawir hore Farmaajo iyo RW Itoobiya
26-ka,June, iyo 1 Luuliyo waa maalmo Soomaaliya laga dabaal dego waxaana laysku yiraahdaa Maalmaha xuriyadda.



Badanaa munaasabadaha waxaa qabta dhinacyo siyaasadda ku lug leh oo doonaya in ay isku muujiyaan wadaniyiin iyo in ay yihiin dad aaminsan midnimada shanta Soomaaliyeed balse xaqiiqdu sidaas ma ahan ee waxay doonayaan in ay ku maxaafsadaan maalmahan taariikhiga lagu sheego.

Xuriyaddii ay Soomaaliya ka qaadatay gumeystayaashii Talyaaniga iyo Ingiriiska sanaddii 1960 ayaa ah waxa ay Soomaalidii hore udabaal degi jirtay marka lagaaro Koowda Luuliya ayaa looga sheekeyn jiray halgankii ay soo mareen Sayid Max’med Cabdulle Xasan iyo Axmed Gureey allaha u naxariisto dhammaantood.



Dadka qaar ayaa soo hadal qaadi jiray halgankii Xaawo Taako iyo dad kale oo halyeeyo ay ku sheegaan taariikhyanada Soomaaliyeed, hadda oo dalka Soomaaliya kujiro gumeysi mutaxan ayay dad badan u arkaan in aysan macna laheyn dabaal deg loo sameeyo xuriyad magac uyeel ah.

Arrinta layaabka leh ayaa ah in dhammaan khudabadihii ay jeediyeen Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul goboleedyada ay ku sheegeen in Soomaaliya ay ka xuroobi doonto waxa ay ugu yeereen cadowga Argagaxisada.

Max’med Cabdullaahi Farmaajo iyo Axmed Madoobe ayaa khudbado ay jeediyeen ku sheegay in sanadkan sanadka xiga ay rajeynayaan "Soomaaliya oo si buuxda looga xureeyo Argagaxisada Al Shabaab”!!..

Kuwan sheeganaya madaxda dalka waxay dadka u sheegayaan in Ciidamada Itoobiya iyo Kenya ee xoogga ku heysta magaalooyin ay kamid yihiin Baydhabo, Kismaayo, Afmadoow,Xudur , Garbahaarey,Jowhar iyo Beled Weyne ay yihiin walaalo dhiig iyo dheecaan ubixiyay xureynta Soomaaliya gumeystayaal bahala ahna ay yihiin ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Akhristoow maankaaga ku haay Al Shabaab waa dad muslimiin Soomaali ah Kenya iyo Itoobiyana waa Kirishtaan cadaawad soo jireen ah nagala dhaxayso oo nagu heysto diin, dal iyo Dad intaba sidaas oo ay tahay Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada waxay lasoo taaganyihiin in Soomaaliya ay xureynayaan Itoobiya iyo Kenya.

Siyaasiga Xasan Nuur oo kamid ah waxgaradka Soomaaliyeed ayaa sheegay in Fikirka nuucaan ah qudhiisu uu yahay gumeysi lasoo minguuriyay loona baahanyahay in shacabka Soomaaliyeed ay wax fahmaan oo aysan ku dagmin marin habaabinta la caalamiyaynayo.

"Madaxda Dowladda Federaalka waxay aaminsanyihiin in Soomaalidu aysan laheyn cadow aan ka aheyn Xarakada Al Shabaab, Itoobiya iyo Kenya waxay u arkaan walaalo dal xureeyayaal ah” sidaas waxaa yiri siyaasi Xasan Nuur.

Allaha Unaxariisto Abwaan Axmed ismaaciil Diiriye Qaasim ayaa sanaddii 1964 tiriyay Gabay qiima badan kadib markii uu arkay in dalka ay la wareegeen kuwa aan gaalada waxba dhaamin oo musuq maasuq iyo dabadhilifnimo isku darsaday waxaana erayadii Abwaanka kamid ahaa:-

Danbi ku hadli maayo’e ma arag dawladdaan rabaye

Isma doorin gaalkaan diriyo daarta kii galay e’

Dusha midabka Soomaali baad dugulka mooddaaye

Misna laguma diirsado qalbigu waa dirkii Karal’e

Maanta waxaan la noolnahay caalam khiyaano iyo been badan xaqqii ayaa baadil laga dhigayaa baadilkiina xaq, caqli xumida iyo dabadhilifnimada Farmaajo iyo xulufadiisa waxay gaartay in ay cadawgii umadda ee Itoobiya ay ku sifeeyaan walaalo nagu dhiig iyo dhigaal ah muslimiintii halganka kula jirtayna ay ku tilmaamaan Argagaxiso horor ku ah umadda!..

Shaki kuma jiro in shacabka Soomaaliyeed ay ka adkaanayaan gumeystayaasha Afrikaanta ah ee qaabka calooshood u shaqeystanimo uga dagaallamaya dalka Soomaaliya mar haddii soomaalida oo aan diin udirirayn ay horay ugasoo adkaadeen Talyaani iyo ingiriis.

Abwaan Soomaaliyeed oo arrinkaas cabiraya ayaa yiri "Hashaan Gaado Waynow Libaax uga Gaboon waayay inaan Goranyo Cawl uga Tagaa Waa Wax Soo Gudhay”.

Waxaad moodaa in Xasan Gurguurte iyo Farmaajo ay yihiin kuwa ugu dabadhilifsan madaxdii soo martay dowladda Federaalka, Co. Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo la ogaa xumaantiisa iyo in dalka uu Xabashi ku qabsaday hadane marka uu hadli jiray kuma hadaaqi jirin in Itoobiya xureysay Soomaaliya.

Allaah u nxariisto e’ Abwaan kale oo isna cabiraya inaanu gumeystuhu dhab u bixin kana tagay dhashiisii ayaa wuxuu yiri’

 

Good iyo abees bays bedeley garanamaysaane

Goraygii ilmihi buu kategey guumiska ahaaye

Gocondhooyin baa aasan iyo mici gabaareeye

Karal kaama guurine halkanuu guud madow yahay

W/Q Hilaal Colaad

kala xiriir Facebook.com/HilaalToosane

Related Items