Sheekh Kaba-Ku-Tukade " Mareykankii soo hoggaamiyay ayaa cararka u bilaabay"

Tuesday July 04, 2017 - 08:34:45 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Sheekh Kaba-Ku-Tukade " Mareykankii soo hoggaamiyay ayaa cararka u bilaabay"

    Waaliga Sh Dhexe ee Xarakada Al-Shabaab Sheekh Yuusuf Kaba-Ku-Tukade ayaa faah faahin ka bixiyay dagaalladii cuslaa ee dhawaan ka dhacay deegaan hoos yimaada degmada Mahaddaay halkaas oo ay soo weerareen Maleeshiyaad Soomaali ah oo ay hoggaaminayaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waaliga Sh Dhexe ee Xarakada Al-Shabaab Sheekh Yuusuf Kaba-Ku-Tukade ayaa faah faahin ka bixiyay dagaalladii cuslaa ee dhawaan ka dhacay deegaan hoos yimaada degmada Mahaddaay halkaas oo ay soo weerareen Maleeshiyaad Soomaali ah oo ay hoggaaminayaan Ciidamo Mareykan ah.

Sheekh Yuusuf ayaa xaqiijiyay in deegaanka Cali Fooldheere oo u dhow degmada Mahaddaay uu martigeliyay dagaal culus oo dhexmaray Ciidanka Mujaahidiinta iyo Isbaheysi uu sheegay inuu ka koobnaa Mareykanka iyo Maleeshiyaadkiisa.


"Waxaan xaqiijin karnaa in Isbaheysiga Kufriga uu ku soo weeraray deegaanka gaadiidkooda qafilan iyo kuwa Hamar-ka loo yaqaano ee Dhaaquutka Mareykanka uu adeegsado, laakin waxaa Ilaahey fadligiis ah in ay jabeen" ayuu yiri Sheekh Kaba-Ku-Tukade oo xalay wareysi siiyay Idaacadda Andalus.

Waaliga Sh/Dhexe ayaa tilmaamay in ciidamada Mareykanka markii ay la kulmeen dagaallada culus ay iyagu ay u bilaabeen cararka Maleeshiyaadki ay soo hoggaamiyeen, waxaaana uu intaasi ku daray in dagaalladaasi ay geysteen khasaarooyin kala duwan.

Sheekh Kaba-Ku-Tukade ayaa sidoo kale amaan iyo bogaadin u jeediyay dadka deegaannadaasi ku dhaqan oo uu sheegay in ay kaalin muuqata ka qaateen ka hortagga cadowga, isagoona ku guubaabiyay in ay sii wadaan garab istaagga Maamulka Islaamiga ah ee ka shaqeeya deegaannadooda.

Related Items