Sheekh Guuleed "Lacagta Aan Ka Mamnuucnay Gobolka Hiiraan Waa Midda Faalsada ah Ee Dhibaateysay Dhaqaalaha Bulshada" Dhageyso.

Wednesday July 05, 2017 - 08:22:36 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheekh Guuleed "Lacagta Aan Ka Mamnuucnay Gobolka Hiiraan Waa Midda Faalsada ah Ee Dhibaateysay Dhaqaalaha Bulshada" Dhageyso.

    Xilli maalmihii lasoo dhaafay jaha wareer dhanka gaancsiga ah uu ka taagnaa magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan kaasi oo salka ku hayo lacago Faalso ah oo lasoo galiyay suuqa Beledweyne waxaa arintaasi si rasmi ah uga hadlay Maamulka Isla

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xilli maalmihii lasoo dhaafay jaha wareer dhanka gaancsiga ah uu ka taagnaa magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan kaasi oo salka ku hayo lacago Faalso ah oo lasoo galiyay suuqa Beledweyne waxaa arintaasi si rasmi ah uga hadlay Maamulka Islaamiga Xarakada Al Shabaab ugu magacaaban gobalka Hiiraan.



Idaacada  Al-furqaan ayaa wareysi ay la yeelatay Waaliga Wilaayada Islaamiga ah ee Hiiraan Sheekh Guuleed Abuu Nabhaan wareysigaasi ayuu  waaligu kaga hadlay lacagta Faalsada ah.

Sheekh Guuleed ayaa xusay in gabi ahaan wilaayada Islaamiga ah ee Hiiraan gobalka ka mamnuucday isticmaalka lacagta been abuurka ah ee lasoo galiyay magaalada Beledweyne taasi oo ah lacag shakhsiyaatkii, iyo shirkadihii ama maamulkii soo sameystay ay ugu tala galeen in ay dadka hantidooda ku dhacaan.



Abuu Nabhaan ayaa carrabka ku adkeeyay in gebi ahaanba aan la mamnuucin lacagta shilin soomaaliga ah balse waxa la mamnuucay ay tahay lacagta faalsada ah ee lagusoo farsameeyay deegaanada uu gacanta ku haayo maamulka 'Puntland' isku magacaabay.

"Waajib ayaa naga saaran in aan ilaalino dhaqaalaha muslimiinta sidaas daraadeed waxaan deegaanada wilaayada Hiiraan ka mamnuucday lacagta faalsada a ah ee ladoonayo in lagu dhaco Dhaqaalaha umadda" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay wilaayada Hiiraan.

Lacagtan ay Al Shabaab mamnuucday ee jiha wareerka ganacsi ka abuurtay gobolka Hiiraan waa lacag Faalso ah oo maamulka Puntland warshado macmal ah ku farsameeyay xilliyadii ay deegaanadaas maamulayeen Cabdullaahi Yuusuf iyo Cadde Muuse Xirsi waxaana xusid mudan in Al Shabaab ay lacagtan horay uga mamnuucday deegaanada ay ka maamusho gobollada Galguduud iyo Mudug.

Waaliga ayaa carabaabay in waxan aysan aheyn balse yihiin warqado A4 ah oo madab loo yeelay si loogu dhaco hantida shacabka Soomaaliyeed lacagtaas oo dhanka magaalada Boosaaso lagasoo daabulay.

Waxaa xusid mudan in lacagta kun shilin ee dowladdii dhexe soo daabacday ay si caadi ah uga shaqeyso dhammaan gobollada dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya balse lacagtan ladiiday ay tahay lacag dhibaato ugeysanaysa dhaqaalaha shacabka Soomaaliyeed ayna ku adeeganayaan maamullo iyo shakhsiyaad gaar ah.

Sidoo kale Waaliga ayaa amaan u jeediyay gaancsatada ku dhaqan magaalada Beledweyne iyo goobaha kale ee ka baxsan gobalka Hiiraan ee u hogaansamay amarka Wilaayada ee ah mamnuucidda lacagta been abuurka ah.

Halkan ka dhageyso Wareysi Sheekh Guuleed MP3

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items