Weerar Xooggan oo Lagu Qaaday Xarunta Wasaaradda G/dhigga Magaalada Muqdisho.

Wednesday July 05, 2017 - 20:39:52 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Xooggan oo Lagu Qaaday Xarunta Wasaaradda G/dhigga Magaalada Muqdisho.

    iska Hor'imaadyo xooggan ayaa caawa Fiidkii ka dhacay wadada Warshadaha magaalada Muqdisho gaar ahaan dacalka degmada Dayniile.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

iska Hor'imaadyo xooggan ayaa caawa Fiidkii ka dhacay wadada Warshadaha magaalada Muqdisho gaar ahaan dacalka degmada Dayniile.

Wararka ka imaanaya Wasaaradda G/dhigga ayaa sheegaya weerar xooggan lagu qaaday xarunta wasaaradda oo xilligaas ay ku sugnaayeen saraakiil katirsan melleteriga DF-ka.

Goob Joogayaal ku sugan agagaarka wasaaradda G/dhigga ayaa SomaliMeMo khadka Taleefanka ugu sheegay in ay maqleen jugta madaafiic xooggan oo lagu garaacay dhismaha wasaaradda kadibna waxaa xigay rasaas xooggan oo lays dhaafsanayay.


"Jugta madaafiic xooggan iyo rasaas lays dhaafsanayo ayaan ka maqlaynaa dhanka wasaaradda G/dhigga, waxaana la dhihi karaa waa dagaalkii ugu cuslaa ee sanadadan ka dhaca magaalada Muqdisho” sidaas waxaa yiri qof goob jooge ah.

Ciidamo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa la sheegay in ay gantaallada garbaha laga gemo ee Baasuukaha la heleen albaabka hore ee dhismaha wasaaradda kadibna waxaa xigay iska hor’imaadyo fool ka fool ah.

Dhinaca kale xoogag hubeysan ayaa weerar ku qaaday maleeshiyaad katirsan DF-ka xilli ay ku sugnaayeen isgoyska Afar irdoodka degmada Xamar weyne waxaana jira dhimasho iyo dhaawac ka dhashay dhowr Bambaano oo lagu weeraray isku imaatin ay ciidamadu ku laahaayeen degmadaasi.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items