Sheekhii Caalimka Ahaa Shariif Cabdi Nuur Oo Geeriyooday.

Thursday July 06, 2017 - 11:07:16 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheekhii Caalimka Ahaa Shariif Cabdi Nuur Oo Geeriyooday.

    Allaah u naxariisto'e, waxaa dalka Sucuudiga ku geeriyooday Shariif Cabdi Nuur oo ahaa caalim Soomaaliyeed oo dad badan cilmigiisa uga faa'iideeyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Allaah u naxariisto'e, waxaa dalka Sucuudiga ku geeriyooday Shariif Cabdi Nuur oo ahaa caalim Soomaaliyeed oo dad badan cilmigiisa uga faa'iideeyay.



Sheekha ayaa muddo ku xanuunsanayay wadankaas Sucuudiga, waxaana dad ehel la ah ay inoo xaqiijiyeen inuu saacado ka hor geeriyooday.

Caalimkan ayaa ah mid ay ku dayasho ugu sugan tahay culimada Soomaaliyeed, waayo ma ahan Sheekh gabi dhacleeya oo sida wadaadaha qaar iska raaca hadba meeshii ay dantooda ku jirto iyagoo aanan ka eegin sharciga iyo wax uu ka qabo.



Sheekha ayaa fadwadiisii ugu dambeysay qiyaastii sadax sannadood ka hor ku taageeray halkanka lagula jiro ciidamada shisheeye ee kusoo duulay wadanka Soomaaliya.

Bahda Shabakadda SomaliMeMo  waxay tacsi u dirayaan dhammaan umadda Soomaaliyeed oo ay ugu horeeyaan Ehellada Sheekha, saaxiibadii, ardaydiisa iyo inta diinta iyo  khayrka kujeclayd waxaanan u rajaynaynaa samir  khayr qaba inuu rabbi kasiiyo.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items