Wasiirkii Mas'uulka Ka Ahaa Xasuuqii Gaarisa iyo Wagala Oo Ku Geeriyooday Magaalada Nairobi.

Thursday July 06, 2017 - 11:32:26 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirkii Mas'uulka Ka Ahaa Xasuuqii Gaarisa iyo Wagala Oo Ku Geeriyooday Magaalada Nairobi.

    Waxaa isbitaal kuyaal magaalada Nairobi ku halaagsamay mas'uul horay uga tirsanaa dowladda Kenya islamarkaana ahaan dagaal ooge xasuuq daran ugeystay dad muslimiin ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kumanaan Somali ah ayaa lagu xasuuqay NFD sanadihii 1981-1884
Waxaa isbitaal kuyaal magaalada Nairobi ku halaagsamay mas'uul horay uga tirsanaa dowladda Kenya islamarkaana ahaan dagaal ooge xasuuq daran ugeystay dad muslimiin ah.


Mas’uuliyiin katirsan dowladda Kenya ayaa xaqiijiyay  in uu geeriyooday Senator GG Kariuki oo sanaddii 1981 soo noqday wasiirkii amniga gudaha Kenya xilligaas oo uu wadanka Madaxweyne ka ahaa Jomo Kenyatta.

Godfrey Gitahi Kariuki, oo caan ku ah magaca GG Kariuki wuxuu ahaa Ninkii Mas’uulka ka ahaa Xasuuqyadii Gaarisa iyo Wagala oo ay geysteen ciidamada melleteriga iyo Sirdoonka Kenya, GG.Kariuki ayaa bixiyay  amarka lagu laayay ugu yaraan 8,000 qof Soomaali ah oo inta gacmaha laga xiray lagu xasuuqay magaalooyinka Gaarisa iyo Wajeer sanadihii 1981 iyo 1984.



Madaxweynihii ugu horreeyay ee Kenya Jomo Kenyatta ayaa xilliggaasi Kariuki uwakiishay in uu damiyo kacdoonkii ay ku dhaqaaqeen muslimiinta gobolka NFD wuxuuna xasuuqay dad shacab ah.

 Godfrey GG Kariuki wuxuuahaa dagaal ooge manaxa ah oo ciidamada booliska iyo sirdoonka u adeegsan jiray xasuuqa dadka muslimiinta gaar ahaan Soomaalida Kenya gumeysato ee ku dhaqan dhulka loo yaqaan NFD.

Barnaamij Dukuminteri ah oo sanado ka hor uu baahiyay Telefeshinka Al Jazeera qeybta English-ka ayaa lagu wareystay wasiirkii hore ee ammanka Kenya Godfrey Gitahi Kariuki wuxuuna si jees jees leh u sheegay in xasuuqa Gaarisa uu ahaa mid lagula dagaallamayay kooxo shufto uu ugu magac daray wuxuuna muujiyay cadaawadda uu uqabo dadka Soomaalida ah.

Dhiigya cabka GG Kariuki wuxuu lasoo shaqeeyay dowladihii Kenyatta iyo Daniel Arap Moi wuxuuna ahaa dagaal ooge manaxa ah oo godob ka galay muslimiinta kunool gobolka soomaalidu degto ee NFD.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items