Maleeshiyaad Fallaaga Ah oo Qabsaday Magaalada 2-aad Ee Ugu Weyn Wadanka Liibiya.

Thursday July 06, 2017 - 20:07:23 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maleeshiyaad Fallaaga Ah oo Qabsaday Magaalada 2-aad Ee Ugu Weyn Wadanka Liibiya.

    Wararka ka imaanaya wadanka Liibiya ayaa sheegaya in maleeshiyaadka dagaal ooge Khaliifa Xiftar ay si buuxda ula wareegeen inta badan gacan ku heynta magaalada Banghazi oo ah caasimadda 2-aad ee wadanka Liibiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Liibiya ayaa sheegaya in maleeshiyaadka dagaal ooge Khaliifa Xiftar ay si buuxda ula wareegeen inta badan gacan ku heynta magaalada Banghazi oo ah caasimadda 2-aad ee wadanka Liibiya.



Dagaa oogaha Khaa’inka ah Khaliifka Xiftar oo hoggaaminaya isbahaysi ballaaran oo ka dhan ah mujaahidiinta ayaa shalay ku dhawaaqay in guul weyn ay ka gaareen dagaalkii afarta sanadood qaatay ee ka socday magaalada Banghazi.

Telefeshin ku hadka afka isbahaysiga Ashahaadda ladirirka Liibiya ayaa lagasii daayay Khudbad kooban oo uu xiftar ku iclaaminayo guusha ay ka gaareen dagaalka Banghazi isagoo hadlayay ayuu yiri "waxaan shacabka liibiya ugu dhawaaqayaa guusha taariikhiga ah ee aan ka gaarnay dagaalka lagula jiro Argagaxisada waxaana si buuxda uqabsanay magaalada Banghazi”.



Ilo wareedyo madax banaan ayaa sheegaya in ciidamo Reergalbeed ah iyo maleeshiyaad Liibiyaan ah ay maalin ka hor qabsadeen xaafadaha alsaabiriyi iyo suuqa kalluunka magaalada Banghazi halkaasi oo bilihii lasoo dhaafay ay ka dagaallamayeen xoogaga golaha shuurada Mujaahidiinta Benghazi.

Haddii ay run noqoto sheegashada Khaliifa Xiftar ee ah in uu si buuxda ula wareegay magaalada 2-aad ee wadanka Liibiya ugu weyn ayuu isbedel ballaaran oo dhanka maamulka ah ku imaan doonaa gobolka Barqah ee bariga Liibiya dhaca oo ah gobolka ugu weyn wadankaasi.

Dagaal Tobanaan kun ay ku dhinteen ayaa sanadadii lasoo dhaafay ka socday magaalada caasimadda u ah gobolka Barqah waxaana magaalada banghazi si xun uduqeeyay diyaaradaha dagaalka dowladaha imaaraatka Carabta iyo Masar, sidoo kale xiftar ayaa taageero ka helaya dowlado reergalbeed ah oo Mareykanka,faransiiska iyo ingiriiska ugu waaweynyihiin.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items