Heshiis Xabad Joojin Ah Oo Ka Dhaqan Galay Koonfurta Wadanka Suuriya.

Saturday July 08, 2017 - 20:40:49 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Heshiis Xabad Joojin Ah Oo Ka Dhaqan Galay Koonfurta Wadanka Suuriya.

    Wadanka Suuriya ee dhaca mandiqadda Shaam waxaa looga dhawaaqay Xabad Joojin sedax geesood ah oo ujeedka laga leeyahay uu yahay in lasoo afjaro dagaalka ka dhanka ah Nidaama Bishaar Al-asad ee wadankaasi ka socda sanaddii 7-aad.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wadanka Suuriya ee dhaca mandiqadda Shaam waxaa looga dhawaaqay Xabad Joojin sedax geesood ah oo ujeedka laga leeyahay uu yahay in lasoo afjaro dagaalka ka dhanka ah Nidaama Bishaar Al-asad ee wadankaasi ka socda sanaddii 7-aad.

Gobollada Kala ah Alquneydara iyo Darca oo dhammaantood dhaca Koonfurta Suuriya waxaa ka dhaqan galay xabad joojin ay kasoo shaqeeyeen dowladaha kala ah Mareykanka,Ruushka iyo Urdun.

Kooxaha mucaaradka hubeysan ee dhax dhaxaadka ah ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in ay u hoggaansameen baaqa xabad joojinta ah ee sedax geesoodka ah waxayna uga digeen ciidamda Bishaar Al-asad iyo Maleeshiyaadka Shiicada ah in ay weeraro cusub soo qaadaan si ay uga faa’iideystaan Xabad joojinta.


Gobollada Xabad joojintu ka xasishay ayaa kaabiga ku haaya maamullada Urdun iyo Yahuudda waxaana tallaabadan loo arkaa mid reergalbeedku ay ku doonayaan in ay ku wiiqaan awoodda xoogaga mucaaradka ah waxaana lafilayaa in dowladda Suuriya ay duullaano hor leh ku qaado gobollo ay islaamiyiinta Argagaxisada ku sumadeysan maamulaan.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items