Dhageyso+Sawirro: Munaasabad Beesha Abgaal Cismaan Ay Ku Dooratay Imaam Cusub.

Saturday July 08, 2017 - 21:15:29 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso+Sawirro: Munaasabad Beesha Abgaal Cismaan Ay Ku Dooratay Imaam Cusub.

    Xaflad ballaaran oo ay Imaam ku duubaneysay Beelweynta Abgaal Cismaan ayaa ka dhacday deegaan hoos yimaad magaalada Aadan Yabaal ee gobolka Sh/dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

imaam Maxamuud Xaaji Xaamud oo la caleema saaray
Xaflad ballaaran oo ay Imaam ku duubaneysay Beelweynta Abgaal Cismaan ayaa ka dhacday deegaan hoos yimaad magaalada Aadan Yabaal ee gobolka Sh/dhexe.



inta Badan Ugaasyada,salaadiinta iyo Nabadoonnada beelaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobollada dhexe ee dalka Soomaaliya ayaa kasoo qeyb galay xafladdii ay beesha Abgaal cismaan ku caleema saaranaysay Imaamka Cusub.

Munaasabadan balaaran waxaa sidoo kale isugu yimid Waxgaradka, Nabadoonada iyo Culimada dhamaan Jufooyinka Beelweynta Abgaal kuwaa soo isaga kala yimid gobolada dalka Soomaaliya si ay u duubaan Imaamka Cusub.



Imaam Maxamuud Xaaji Xaamud ayaa lagu caleema Saaray Xafladda kaas oo noqday imaanka Guud ee Beelweynta Abgaal.

Imaanka oo ka hadlay xafladda ayaa balan qaaday in Beesha uu ku hogaamin doono ku dhaqanka Shareecada Islaamka, Wuxuuna Bulshadiisa iyo qabaa’ilka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay garab istaagan, kuna garabgalaan wixii kheyr ah.

Xafladda Caleema saarka kadib, boqolaal ruux oo isugu jira dhalinyaro, Odayaal iyo abwaano caan ah oo ka soo jeeda Beelweynta Abgaal ayaa isugu yimid fagaare weyn kuwaas oo halkaas ku soo bandhigay ciyaara-dhaqameedka ay beeshu caanka ku tahay.

Ugaasyada beelaha Murusade,Gaaljecel iyo Maxamuud Hiraab ayaa ku sugnaa Munaasabaddii lagu caleema saarayay imaamka Cusub ee Beesha Mudulood waxayna kula dardaarmeen qabiilka imaamka caleema saartay in ay isbarbar taagaan dhaqanka cusub ee beeshu yeelatay.

Halkan ka dhageyso Khudbadihii Munaasabadda laga Jeediyay MP3

Halkaan Ka Daawo Sawiro Dheeraad Ah





















Ugaaska Beesha Gaaljecel oo munaasabadda kalimad ka Jeedinaya

Midig (Imaam Maxamuud Xaaji Xaamud) oo ugaaska Gaaljecel uu guddoonsiiyay Kitaabka quraa'anka Kariimka


















Related Items