Sheekh Nuur Baaruud Oo Lacagihii loogu Talagalay Dadka Tabaalaysan Xil Uga Helay Dowladda Federaalka!

Sunday July 09, 2017 - 12:07:34 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheekh Nuur Baaruud Oo Lacagihii loogu Talagalay Dadka Tabaalaysan Xil Uga Helay Dowladda Federaalka!

    War rasmi ah oo kasoo baxay madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Max'med Cabdullaahi Farmaajo ayaa xil cusub loogu magacaabay mid kamida Wadaada xumayaasha caanka ku ah la shaqeynta dowladihii dalka soo maray iyo ciidamada shisheeye ee So

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War rasmi ah oo kasoo baxay madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Max'med Cabdullaahi Farmaajo ayaa xil cusub loogu magacaabay mid kamida Wadaada xumayaasha caanka ku ah la shaqeynta dowladihii dalka soo maray iyo ciidamada shisheeye ee Soomaaliya kusoo duulay.

Nuur Baaruud Gurxan oo horay ugu magacaawnaa guddoomiyaha ‘Guddiga Gurmadka Abaaraha Qaranka’, ayaa xalay loo magacaabay guddoomiye ku xigeenka guddiga Taakuleynta Ciidanka DF-ka.

Munaasabad ka dhacday Dugsigii Tababarka Booliska oo ay ka qeyb galeen Farmaajo iyo Kheyre ayaa guddoomiyaha gudigga Taakuleynta ciidanka loogu magacaabay Jeneraal Jaamac Qaalib halka ku xigeen looga dhigay Nuur Baaruud oo ah Nin waayeel ah balse dhanka afka ku taageera AMISOM iyo Itoobiya.


Nuur Baaruud ayaa xilkan ku mututeystay lacago boqolaal kun dollar ah oo uu ku wareejiyay Farmaajo Lacagtaas oo lagasoo aruuriyay jaaliyadaha Soomaalida xilligii uu sheeganayay ugurmashada dadka masaakiinta ah ee abaaruhu halakeeyeen.

Khiyaanada ay ku dhaqaaqeen Nuur Baaruud iyo Bashiir Axmed Salaad ayaa hadda banaanka usoo baxday kadib markii madaxdii guddiga Abaaraha ay lacagtii loogu talagalay dadka dhibaateysan ay mushaar ahaan usiiyeen maleeshiyaadka DF-ka.

Arrinta layaabka leh ayaa ah in lacagtii shacabka Soomaaliyeed ay ku sadaqeysteen walaalahooda cudurada iyo baahida ugu dhimanaya gobollada dalka badankeed lasiyaasadeeyay xilalna lagu raadsaday iyadoo waxyar oo lacagtaas kamid ah raashin aan badneyn loogu iibiyay qaar katirsan Barakacayaasha ku dhaqan duleedka Muqdisho.

Xilkan cusub ee loo magacaabay Nuur Baaruud ayaa ah midkii ugu horreeyay ee warbaahinta laga shaaciyo waxaase xusid mudan in wadaado xumayaal uu kamid yahay Bashiir Axmed Salaad ay si hoose ula shaqeyn jireen laamaha sirdoonka DF-ka iyagoo macluumaadyo sir ah ka aruun jiray shacabka Muqdisho.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items