Barakac Ka Bilaawday Gobolka Lamu iyo Kenya oo Magaalooyin Bandaw Saartay.

Sunday July 09, 2017 - 12:36:58 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Barakac Ka Bilaawday Gobolka Lamu iyo Kenya oo Magaalooyin Bandaw Saartay.

    Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday in xaalad Bandaw ah ay kusoo rogtay sedax gobol oo kamid ah gobollada ugu waaweyn wadankaasi kadib markii ammaanku uu faraha ka baxay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

gobolka Lamu waxaa ka dhacay weeraro soo noq-noqday
Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday in xaalad Bandaw ah ay kusoo rogtay sedax gobol oo kamid ah gobollada ugu waaweyn wadankaasi kadib markii ammaanku uu faraha ka baxay.

Sida ay sheegeen saraakiisha booliska Bandawga oo xalay fiidkii bilaawday ayaa ka dhaqan galay gobollada kala ah Gaarissa,Lamu iyo Tana River, kumanaan katirsan ciidamada booliska ee sida melleteriga utababaran ayaa magaalooyinka waaweyn lagu daadiyay.

Bandawgan ayaa imaanaya kadib markii ay sare ukaceen weerarada dhiigga badan ku daadanayo ee ciidamada Xarakada Al Shabaab ka fulinayaan gobollada NFD iyo Lamu waxaana ugu dambeeyay weerar saraakiil iyo askar lagu dilay oo isbuucii lasoo dhaafay ka dhacay Lamu.


Dhinaca kale Barakac xooggan ayaa ka bilaawday magaalooyin katirsan gobolka Xeebta ku teedsan ee Lamu, warbaahinta maxalliga Kenya ayaa sheegtay in boqolaal qoys oo asalkoodu yahay Nasaaro ama Kirishtan ay bilaabeen in ay isaga firxadeen magaalooyinka gobolka kadib markii ay xoogag katirsan Al Shabaab ay si gaar ah ubeegsadeen dadka Kirishtaanka ah.

Goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in boqolaal qoys ay isaga carareen degmooyinka iyo tuulooyinka xoogga lagu dajiyay waxayna ufirxanayaan dhanka magaalada Nairobi ee caasimadda u ah wadanka Kenya.

Warar aan la xaqiijin Karin ayaa sheegaya in 8 qof oo ciidamo katirsan Booliska ay kamid yihiin habeen hore lagu gowracay deegaan katirsan gobolka Lamu arrinkaasi oo xaaladda kusii adkeeyay dadka aan muslimiinta aheyn ee Lamu lagu deegaameeyay.

Gobolka Soomaalida NFD ee gumeysiga kujira iyo gobolka Lamu ee xeebta ku teedsan ayaa sedaxdii bilood ee lasoo dhaafay waxaa ka dhacayay weeraro askar iyo saraakiil badan lagu dilay waxaana mas’uuliyadda weeraradaas sheegtay xarakada Al Shabaab.

Related Items