Bayaankan oo ku qornaa luuqadda carabiga waxaa ku saxiixnaa hogaanka sare ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, Waxaana dadka Muslimiinta si guud ah, iyo dadka Soomaaliyeed si gaar ah loogu tacsiyeey geerida ku timid Sheykh Shariif Cabdi Nuur oo Khamiistii lasoo dhaafay ku geeriyooday magaalada Maka Al-Mukaramah ee dhulka Bilaadul-Xarameyn.
Akhriso: Hoggaanka Xarakada Al Shabaab Oo Bayaan Taczi Ah Kasoo Saaray Geeridii Sheekh Shariif Cabdi Nuur.
Bayaanka ka soo baxay hogaanka sare ee Xarakada Al-Shabaab ayaa looga hadlay geeridii lama filaanka ahayd ee dhowaan ku timid Caalimkii Sheykhii Muxadithka ahaa ee Shariif Cabdi Nuur Allaah ha u naxariisto.