Akhriso: Qisada 6 Wiil Walaala Ah Oo Duleedka Muqdisho Lagu Dilay, Yaa Dilay? Maxaase Loo Dilay? Warbixin.

Sunday July 09, 2017 - 20:56:13 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Akhriso: Qisada 6 Wiil Walaala Ah Oo Duleedka Muqdisho Lagu Dilay, Yaa Dilay? Maxaase Loo Dilay? Warbixin.

    Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya fal dil ah oo lagu xasuuqay dad shacab Abriyo ah oo aan waxba galabsan xilli dadkaasi ay wadeen Meydka qof haween ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

dilalka ayaa joogta ka ah Muqdisho iyo duleedkeeda
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya fal dil ah oo lagu xasuuqay dad shacab Abriyo ah oo aan waxba galabsan xilli dadkaasi ay wadeen Meydka qof haween ah.



Ilo wareedyo ay Shabakadda SomaliMeMo helayso waxay sheegayaan in dilka ay geysteen maleeshiyaadka Katirsan DF-ka oo ay adeegsadeen dhinacyo ashahaadda ladirir ah balse qoraal uu qof xog ogaal ah ku baahiyay baraha bulshada ayuu uga sheekeeyay sidii ay wax u dhaceen iyo deraanka qoyska dadka laga laayay.

Maleeshiyaadka hubeysan ee wax dilay waxay wateen qoryaha dabajeexa loo yaqaan ama PKM  waxayna ahaayeen ciidamo watay dareeska lagu yaqaan ciidanka Melleteriga Dowladda Federaalka balse warbaahinta Muqdisho waxay warkan kusoo gaabiyeen "Kooxo hubeysan oo dad ku dilay duleedka Muqdisho", DF-ka qudheeda waxba kama dhihin oo afka ayaa ju'da gabay.



• Sidee ayuu Dilka u dhacay?

Gaari nooca loo yaqaan Opel oo qaada ilaa 10 qofood ayey saarnaayeen Wiilasha la dilay, Sheeko ma jirin waayo tacsi iyo tiiraanyo ayey ku jireen

Waxey ku socdeen qabuuraha deegaanka Calamada oo 25 Kilo mitir u jirta magaalada Muqdisho, iyagoo rabay in ay soo aasaan islaan eedadood ah.

Gaariga sida la ii sheegay quraan ayaa ka shidnaa, qof walbana wuu ka murugeysnaa tacsida eedadood balse maxaa dhacay?.

Shalay oo taariiqda ku beegneed 8-7-2017 xili dambe ayaa waxaa wadada lagu gooyay gaari kale oo kooxo hubeysan ay kasoo dagteen, kuwaas oo xabado sida roobka oo kale ugu furay gaarigii ay saarnaayeen Qoyskii la laayay.

• KADIBNA MAXAA DHACAY?

Qof kasto wuu cararay, xitaa waalaga cararay meydkii la waday, Waxaa dhacday in wiilasha la dilay qaar ay ordeen iyagoo dhaawac ah balse xabado kale lagu furay.

Waxaa kamid ah Cabdi Jabaar Xaaji Gaabow oo isagoo dhaawac ah oo naftiisa la baxsanaya in markale xabado lagu harqiyay .

• 8 Qofood ayaa Geeriyootay

Tirada guud ee dhimashada dadkii meesha lagu laayay waxa ay gaartay 8 qofood, waxaana kamid ah (6 qofood oo hal qoys kasoo jeeda).

1- C/casiis Xaaji Gaabow
2- Maxamed Deeq Xaaji Gaabow
3- Cabdi Xaaji Gaabow
4- C/jabaar Xaaji Gaabow
5- Cabdi Rashiid Maxamed Yare.
6- Zakariye Maxamed Gaabow


• Yaa Dilay? Maxaase Loo Dilay?

Qof og malahan cida dishay iyo sababta rasmiga ah ee loo dilay 6 wiil oo hal qoys kasoo jeeday, 4 isla dhalatay iyo 2 ilmo adeeradood ah.

lakin hadal heynta iyo sida dad xog ogaal ah ay ii sheegeen Kooxo hubeysan ayaa dilay, Waxaana loo dilay qaab ganacsi.

• HALKEE AYEY DAGNAAYEEN ?.

Waa qoys caan ka ah xaafada macmacaanka gaar ahaan degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho, aabahood Xaaji Gaabow waa ganacsado weyn oo si weyn looga yaqaan guud ahaan Muqdisho.

Wiilasha walaalaha ee la laayay waxey ganacsiga lawadadeen abaahood, waxeyna lahaayeen Xarumo ganacsiga sida Hoteelo, Isbitaalo, Goobo shacabka loogu adeego, Travel agent iyo Shirkad koronto ah.

• MAXAMED DEEQ RIYADIISA ? 

Mid kamid ah wiilasha la dilay oo lagu magacaabi jiray Maxamed deeq xaaji Gaabow wuxuu ahaa qof dhalinyarada ay jecel yihiin oo aad u furfuran, dhowaan ayuuna ka qalan jabiyay Jaamacadda Simad University.

Sanad ka hor ayuu guursaday, waxaa 2 bil ka hor loo dhalay Cunug (Baby), Riyadiisa waxey ahayd inuu caruur kale dhalo oo waqti badan la qaato nolashiisa cusub lakin taas ma noqon.

• HOOYADOOD "Wiilasheeyda wey ii soo laabanayaan".

Inkastoo aanan la hadlin hooyada dhashay wiilashii Afarta ah ee la dilay hadana dad qaraabada ka tirsan waxey ii sheegen in maamada ay hada khadka ka baxsan tahay (Shock).

Xitaa hadal kama soo baxayo, marna waa ooysaa, marna qof kale waaye, marna caruurteedii ayey leedahay "wey ii imaanayaan". 

Isbadalka ku dhacay Qoyskii Dhibaatada Soo Gaartay

Horta qof walbo oo dareen leh wuu dareemi karaa qoys 6 qofood ay ka baxeen halmar xanuunka ay leedahay. Shalay guriga waa laga faraxsanaa, maantana tacsi tii ugu darneed ayaa taala.

Dad badan oo dagan xaafada Macmacaanka ayaa daqiiqad walba waxey imaanayaan guriga, iyagoo tacsi u wada faamilka dhibaatada soo gaartay.

XAASKIISA HORE WAA LAGA DILAY

Odayga caruurtiisa laga dilay Xaaji Gaabow ayaa horay xaaskiisa hore la dilay, shalayna Caruurtiisa oo afar ah ayaa aduunka la dhaafiyay. Innaa lilaah wa innaa ileeyhi raajicuun

Aabe Xaaji Gabow wuxuu diiday in xoolo iyo wax la qalo, wuxuu kaliya umadda Islaamka gaar ahaan Somalida ka codsaday wiilashiisa ducada lagu kaalmeeyo


Waxaa  Facebook Ku Qoray: Idiris Abdulkadir Mohamed

Related Items