Sawirro: Al Qaacidda Oo Markii Ugu Horraysay Weerar Ballaaran Ka Fulisay Wadanka Nigeria Ee Qaaradda Afrika.

Monday July 10, 2017 - 08:13:01 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Al Qaacidda Oo Markii Ugu Horraysay Weerar Ballaaran Ka Fulisay Wadanka Nigeria Ee Qaaradda Afrika.

    Si lama Filaan ah Ururka Al Qaacidda ayaa isugu fidinaya wadamo dhowr ah oo dhaca galbeedka qaaradda Afrika arrinkaasi oo jiha wareer ku ridaya Dowladaha Faransiiska iyo Mareykanka oo mandiqadda ka wada dagaal ka dhan ah waxa loogu yeero 'Argaga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Si lama Filaan ah Ururka Al Qaacidda ayaa isugu fidinaya wadamo dhowr ah oo dhaca galbeedka qaaradda Afrika arrinkaasi oo jiha wareer ku ridaya Dowladaha Faransiiska iyo Mareykanka oo mandiqadda ka wada dagaal ka dhan ah waxa loogu yeero 'Argagaxisada'.


Kooxda Ugargaaridda islaamka iyo Muslimiinta oo ah Faraca Alqaacidda ee Mandiqadda Saxaraha qaaradda Afrika ayaa maalmo ka hor weerar ballaaran markii ugu horraysay ka fulisay wadanka Nigeria oo kamid ah wadamada ugu waaweyn galbeedka qaaradda Afrika.

Bayaan sawirro watay oo ay soo saartay Jamaacadda Ugargaaridda Islaamka iyo Muslimiinta ayay ku sheegtay in duullaan ballaaran ay ku qaadday saldhig ciidanka Nigeria ku leeyahay gobolka Tasaawah ee dhaca xuduud beenaadka uu wadankaasi la wadaago Maali.


Jamaacadan Jihaadiga ah waxay sheegtay in ciidamadoodu ay cagta mariyeen saldhig melleteri oo ciidamada Nigeria ku lahaayeen magaalada  Madaal ee xuduuda kulaasha.

"alle Fadligiis mujaahidiinta waxaa usuurtagashay in ay la wareegaan saldhigga kadib markii ay dileen tiro kamid ah Melleteriga kuwa kalane ay isaga firxadeen goobta dagaalka, Mujaahidiinta Allaah wuxuu ku manaystay in ay qaniimeystaan Afar gaari oo hub kala duwan sida waxaana kamid ah madaafiicda lidka diyaaradaha, sawaariikhda Kaatiyoosha,rasaas iyo saanado kale oo melleteri" ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Al Qaacidda.

Xoogagan islaamiga ah oo awood ballaaran ku leh wadanka Maali ayaa sheegay in weerarkani jawaab celin u yahay tacadiyo ay ciidamada Nigeria ugeysteen dad muslimiin ah islamarkaana dowladda Abuja ay ku biirtay isbahaysiga "Jeyshu saaxil" oo ay dhistay dowladda Faransiiska.




Related Items