Jeneraal Jaamac Qaalib Oo iska Casilay Xil uu Dhowaan u Magacaabay Farmaajo.

Monday July 10, 2017 - 11:56:19 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Jeneraal Jaamac Qaalib Oo iska Casilay Xil uu Dhowaan u Magacaabay Farmaajo.

    Maalin kadib markii loo magacaabay Guddoomiyaha guddiga Taakuleynta Ciidanka Dowladda Federaalka ayuu xilkaas iska casilay Jeneraal Jaamac Max'med Qaalib oo horay uga mid ahaa saraakiishii ciidankii xoogga dalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maalin kadib markii loo magacaabay Guddoomiyaha guddiga Taakuleynta Ciidanka Dowladda Federaalka ayuu xilkaas iska casilay Jeneraal Jaamac Max'med Qaalib oo horay uga mid ahaa saraakiishii ciidankii xoogga dalka.

isagoo wareysi siinayay Radio Dalsan xarunteeda magaalada Muqdisho ayuu Jeneraal Qaalib sheegay in wax xil ah uusan ka heyn dowladda Federaalka islamarkaana aan lagala tashan xil magacaabista uu Farmaajo uga dhawaaqay dugsigii hore ee Tababarka Booliska degmada Xamar Jajab.

"Xilkaasi waan ka cudurdaartay mid aan qaban karo maaha, iyadoo sabab kale la sheegin, anigu himiladeydu waxa weeyaan wixii aan taariikh Soomaaliyeed ka garanayo inaan dhallinyarada jaamacadaha dhigta u gudbiyo, taana waan ku howlanahay, wax kalena kuma dari karo, marka waan ka cudur daartay, madaxdana waan u gudbiyey, aniga la igalama tashan mana aqbalin sababo kale weeye taasi, mar horey la ii weydiiyeyna waan ka cudurdaartay oo ma qabanayo ayaan ku iri, waxaan filayaa in si qalad ah ay ku dhacday, haddii iyaguba wax i weydiin inaan wax sheego kuma qasbaneen” ayuu yiri Jeneraal Qaalib oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho.


Madaxda DF-ka ayuu ku eedeeyay fud fudeyd iyo degdeg ay xilalka ku magacaabaan iyagoo aan la tashan dadka xilalkaas loo igmanayo, wuxuuna carrabaabay in isaga shakhsi ahaan uusan xilligan la joogo diyaar u aheyn in uu kamid noqdo siyaasadda xarig jiidka ah ee ay ku dhaqanto Dowladda Federaalka.

Jeneraal Jaamac ayaa sanadihii 2008-2009 kamid ahaa mas’uuliyiintii Isbahaysigii dib uxureynta garabkiisi magaalada Asmara balse sanadadii dambe ayaa lagu arkayay isagoo hoosta uga jira madaxda DF-ka illaa Farmaajo uu shalay xil u magacaabay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items