Weerar Madaafiic Ah oo Lagu Qaaday Saldhig Melleteriga Kenya Ay Ku leeyihiin Gobolka 'Waqooyi Bari'.

Tuesday July 11, 2017 - 12:37:31 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Madaafiic Ah oo Lagu Qaaday Saldhig Melleteriga Kenya Ay Ku leeyihiin Gobolka 'Waqooyi Bari'.

    Wararka ka imaanaya wadanka Kenya ayaa sheegaya in weeraro hor leh oo khasaara dhaliyay lagu qaaday saldhig melleteri oo ay ku sugnaayeen ciidamada loo yaqaan KDF.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Kenya ayaa sheegaya in weeraro hor leh oo khasaara dhaliyay lagu qaaday saldhig melleteri oo ay ku sugnaayeen ciidamada loo yaqaan KDF.

Xalay Fiidkii ayay xoogaga Al Shabaab madaafiic ku weerareen deegaanka Ceelwaaq Kenya oo saldhig melleteri ay ku leeyihiin ciidamada Melleteriga wuxuuna deegaankan hoos tagaa magaalada Mandheera.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in saldhigga melleteri ee Caal-raam uu duqeyn ba’an kala kulmay ciidamo taabacsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin sida ay sheegeen dadka deegaanka, madaafiicda oo ahaa hoobiyaal ayaa ku dhacay gudaha saldhigga oo ay ku suganyihiin melleteriga Kenya.


War kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in duqeynta lagu qaaday saldhigga Ceel-Raam uu sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ciidamada Kenya balse xarakadu si xadidan uma sheegin khasaaraha soo gaaray melleteriga Kenya.

Weerar dabayaaqada isbuucii lasoo dhaafay ka dhacay gobolka Lamu waxaa lagu udilay ugu yaraan 9 askari oo katirsan ciidamada Booliska Kenya waxaana gobolkaasi ka socda Barakac xooggan oo ay sameynayaan dadka Kirishtaanka Kenyaatiga ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items