Sawirro: Ciidamada AMISOM Oo Ka Guuray Dhismaha Jaamacaddii Umadda.

Tuesday July 11, 2017 - 19:07:39 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Sawirro: Ciidamada AMISOM Oo Ka Guuray Dhismaha Jaamacaddii Umadda.

    Ciidamada Shisheeyaha AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi ayaa maanta si rasmi ah uga baxay saldhig melleteri oo ay ku lahaayeen degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Shisheeyaha AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi ayaa maanta si rasmi ah uga baxay saldhig melleteri oo ay ku lahaayeen degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.




Munaasabad ka dhacday Kuliyadda Gaheyr oo qeyb ka aheyd jaamacaddii Umadda ayay saraakiisha AMISOM ku sheegeen in ay isaga baxeen dhismaha Kuliyadda oo muddo 10 sanadood ah ay deganaayeen.

Ergayga Q.Midoobe uqaabilsan arrimaha Somalia oo munaasabadda ku sugnaa ayaa sheegay in khatar dhanka amniga ah ay wali kajirto magaalada Muqdisho isagoona ciidamada Burundi ee qeybta ka ah soo duulayaasha gumeysiga ku jooga dalka ku ammaanay dagaalka ay uga jiraan Soomaaliya.



Wasiirka waxbarashada DF-ka oo munaasabaddii lagu wareejinayay dhismaha Jaamacadda Gaheyr ka hadlay ayaa sheegay in sanad ama laba sanadood gudahood dib udhis loogu sameyn doono jaamacadda.

Kumanaan katirsan ciidamada AMISOM ayaa wali saldhigyo waaweyn ku leh gudaha magaalada Muqdisho sida xarunta Xalane, isbartiibada, xeradii hore ee Maslax iyo xera Jarmalka.

Wariyaal booqday xarunta Jaamacadda ayaa sheegay in Dhisamuhu uu ku fadhiyo dhul baaxadiisa lagu sheegay 913,500 oo mitir isku wareeg ah kaasoo muddo ku siman toban sano saldhig milatari u ahaa ciidamada Midowga Afrika ee dalka Burundi.

waxa kaliya ee indhahaagu qabanayaan ayaa ah dhismayaal burbursan oo daaqadahooda la galiyay jawaano ciid ah si dhufeys looga dhigto, dhul keyna oo aad moodo inaan sanado badan la marin iyo difaacyo qoryo ku rakibanyihiin

Taliska ciidanka AMISOM ayaa dhowaan sheegay in qorshaha ay uga baxayaan dalka Soomaaliya uu bilaaban doono dabayaa qada sanadda 2018.

Isha Sawirrada: BBC Somali

Gahayr waxay saldhig u ahayd ciidammada Burundi oo hadda u guuri doono Jowhar
Jaamacadda ummadda Soomaaliyeed ee Gahayr, ayaa xarun u ahayd AMISOM muddo 10 sano ah

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items