Askari Katirsan Ciidanka DF-ka Oo Lagu Dilay Degmada Yaaqshiid.

Wednesday July 12, 2017 - 12:24:48 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askari Katirsan Ciidanka DF-ka Oo Lagu Dilay Degmada Yaaqshiid.

    Weerar hubeysan oo markale ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaartay ciidamo katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ee shisheeyaha la shaqeysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weerar hubeysan oo markale ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaartay ciidamo katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ee shisheeyaha la shaqeysa.

Maanta barqadii ayay xoogag hubeysan degmada Yaaqshiid ku weerareen laba askari oo katirsan ciidamada DF-ka gaar ahaan kuwa loogu yeero ‘Xasilinta caasimadda’.

Goob joogayaal ayaa sheegay in rag bastoolado ku hubeysan ay dileen hal askari islamarkaana ay dhaawaceen askari kale, weerarkan oo ka dhacay agagaarka Daarta Colaad ee dhow isgoyska Fagax ee degmada Yaaqshiid ayay xoogagii weerarka geystay ugu suurtagashay in si nabad gelya ah goobta uga dhaqaaqaan.


Dhinaca kale qarax miino ayaa shalay gelinkii dambe kolonyo katirsan ciidamada Midowga Afrika lagula beegsaday degmada Huriwaa ee waqooyiga magaalada Muqdisho balse lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxaasi.

Waa Maalintii 3-aad oo si xiriir ah weeraro uga socdaan degmooyinka gobolka Banaadir waxaana weeraradaas lala eeganayaa saraakiisha iyo Askarta dowladda Federaalka iyo sidoo kale ciidamada AMISOM.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items